Sweden oo shaqaalaheeda ka daadgureysay dalka Iraq
Dowladda Sweden ayaa shaacisay in dhammaan Shaqaalaha Safaaradda ay ka daadgureysay Magaalada Baghdad ee dalkaasi Iraq.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden ayaa sheegtay in si ku-meel-gaar ahi ay howlihii Safaaradda ugu wareejisay Magaalada Stockholm, ka dib markii taageereyaasha Wadaadka Shiicada Iraq ee Muqtada al-Sadr ay Khamiistii dab qabadsiiyeen Dhismaha Safaaradda.
"Howlaha Safaaradda iyo Shaqaalaheeda Ajaaniibta ah ayaa si ku-meel-gaar ah loogu raray Stockholm, sababo amni dartood." Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaasi.
Taageereyaasha Muqtada al-Sadr ayaa xoog ku galay Safaaradda, dabna qabadsiiyay, ka dib markii Booliska Sweden ay bixiyeen ogolaansho kale oo lagu gubayo Kitaabka Quraanka Kariimka iyo Calanka Iraq.
Tobias Billstrom, Wasiirka Arrimaha Dibadda Sweden ayaa sheegay inaanan gebi ahaanba la aqbli karin weerarka lagu beegsaday Safaaradooda.
Wasiirka ayaa sheegay in Xukuumadda Stockholm ay si adag u diiday aflagaadeynta Diinta Islaamka iyo gubista Quraanka Kariimka, balse ma sheegin sababta ay wax uga qaban la'yihiin.
"Dowladda Sweden waxay fahamsan tahay in falalka guracan ee ay shakhsiyaadka ku kaceen bannaanbaxyada Sweden laga yaabo inay meel ka dhac ku yihiin Muslimiinta." Ayuu Wasiirku ku sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray.
Warka Wasiirka ayaa imaanaya maalin uun ka dib, markii Dowladda Iraq ay dalkeeda ka ceyrisay Safiirkii Sweden ee dalkaasi, haweeneyda lagu magacaabo Jessica Svärdström.
Raysal Wasaaraha Iraq, Mohammed Shia' Al Sudani ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in tallaabadani ay jawaab u tahay ogolaanshaha Sweden ee soo noqnoqday ee lagu gubayo Quraanka Kariimka, laguna aflagaadeynayo xormada Diinta Islaamka iyo in dab la qabadsiiyo Calanka Iraq.
Baghdad ayaa si buuxdo u jartay xiriirkii diblomasiyadeed ee kala dhaxeeyay Stockholm.






