Taliska Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran oo taageeray Hoggaamiyaha cusub ee la doortay

Taliska Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ee Iran ayaa ku dhawaaqay in ay la shaqayn doonaan, isla-markaana ay daacad u noqon doonaan Mojtaba Khamenei, kaas oo loo doortay in uu noqdo Hoggaamiyaha ugu sarreya ee dalka.
Taliska ayaa bayaan uu waaberigii hore ee saaka soo saaray ku sheegay in Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ay noloshooda oo dhan daacad u noqon doonaan Hoggaamiyaha cusub.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in talisku uu Mojtaba ugu hambalyeynayo xilka sare ee ay u doorteen Golaha Khubarada Iran.
Sidoo kale Taliska Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Iran ayaa ballanqaaday in ay si dhow ula shaqayn doonaan Mojtaba, oo ah wiil uu dhalay Ayatollah Ali Khamenei, Hoggaamiyiii ruuxiga ee dalkaasi ee la dilay 28-kii bishii hore ee February.
Taliska ayaa Ina Khamenei ku tilmaamay nin aqoon leh, cibaado badan oo khayr badan, taasna ay caddeeyeen Golaha Khubarada ee u doortay in uu dalka hoggaamiyo.
Militariga Iran ayaa noqonaya kuwii ugu dambeeyay ee ku dhawaaqa, isla-markaana soo dhaweeya Hoggaamiyaha cusub ee loo doortay in uu sii wado shaqada hoggaanka ugu sarreya ee dalka.
Doorashada Ayatollah Mojtaba Khamenei ayaa ku soo aadeysa, iyadoo dalka uu dagaal kula jiro Mareykanka iyo Israel.
Doorashadiisa ayaa keeni karta in Ciidamada Iran ay si ka xoog badan, sidii hore ula dagaalamaan Ciidamada Mareykanka iyo Israel, iyagoo ku soo dhaweynaya Hoggaamiyaha awoodda badan.


