Taliska Iran oo sheegay inay ka aargudanayaan Israel

Taliska Militariga Iran ayaa ku hanjabay inay ka aargudan doonaan duqaymihii Israel ay subaxnimadii Sabtida ka gaysatay bartilmaameedyo ku yaala gudaha dalkaasi.

Taliska ayaa war ay soo saareen ku sheegay in ay xaq u leeyihiin inay ka jawaabaan gardarrada Israel, iyadoo la ilaalinayo madaxbannaanida, qaranimada, sharafta iyo karaamada dalkaasi.

Taliska ma sheegin goorta ay ka jawaabayaan weerarka Israel, balse warka ayaa lagu caddeeyay in tallaabada aargudashada la samayn doono waqtiga ku habboon.

Waxayse tani daba dhigeen suurtagalnimada in laga baaqsan karo weerarkooda aargoosiga ah, waa haddii la helo in xabad joojin laga sameeyo Marinka Gaza iyo Lubnaan.

Warka Militariga Iran ayaa lagu sheegay in Mareykanku uu door weyn ka qaadanayo dembiyada Israel ee qalqalka gelinaya amniga iyo nabadgelyada gobolka.

"Mareykanku waa inuu xakameeyaa nidaamka sharci darrada ah ee Sahyuuniyadda, ayna ka fogaadaan in naftooda iyo xulafadooda ay ku dhacaan godka uu qoday taliska gumeysiga." Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Militariga Iran.

Tehran ayaa muddo dheer Tel Aviv ku cadaadineysay in ay joojiso xasuuqa baahsan ee ay ka waddo Marinka Gaza, ha yeeshee ay Madaxda Israel ku adkeysanayaan in aanan la joojineyn dagaalka, illaa iyo inta laga burburinayo awoodda militari ee Ururka Xamaas.

Ururada hubeysan ee Bariga Dhexe ka jira, isla-markaana ay Tehran bari-taarto ayaa horey wacad ugu maray in Israel aysan dadkeedu heli doonin amni ay ku raaxeystaan, inta uu daadanayo dhiigga shacabka Falastiin.

Gobolka ayaa waxaa ka jirta cabsi ay dadka qaarkii ka muujinayaan in dagaal buuxa uu ka dhex qarxo Iran iyo Israel, haddii is tuurtuurku uu sii socdo.

Inkastoo aysan labada dal wax xuduud ah lahayn, haddana Iran ayaan ka fogeyn xuduudaha Israel, marka aad eegto in ay joogto dalalka qaarkood ee ay xad wadaagga yihiin.