Taliska Militariga oo shacabka ku wargeliyay in berrito uu dabrid ka jiro Xerada General Gordan
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa laamaha amniga iyo shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ku wargeliyay in Talaadada berrito ay ciidamadu dabrid ka samayn doonaan Xerada General Gordan ee Degmada Hodan.
"Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxa uu hay'adaha amniga gudaha iyo shacabka Magaalada Muqdisho ogeysiinayaa in berri oo taariikhdu tahay 09/05/2023, ay Ciidanka Xoogga Dalka dabrid ka samayn doonaan Dugsiga Tababarka ee General Gordan." Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.
Warka ayaa lagu sheegay in hay'adaha ammaanka iyo shacabkuba ay ogaadaan dabridkaasi, isla-markaana aanay qalqal ku abuurin dhawaqa rasaasta kala duwan ee ay maqli doonaan.
"Haddaba, hay'adaha amniga gudaha iyo shacabka Magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadaha iyo degmooyinka u dhow Dugsiga Tababarka ee General Gordan, waxaan ogeysiinaynaa in dugsiga berri subax lagu fulin doono tababar, sidaas darteed aysan wax qalqal ah ku abuurin dhawaaqa rasaasta kala duwan ee ay maqli doonaan." Ayaa lagu yiri warka.




