Taliyaha Ciidanka Dhulka oo meesha ka saaray in Al Shabaab ay dalka la wareegi karto

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Militariga Somaliya, General Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa diiday in maleeshiyada Al Shabaab ay la wareegi karaan dalka, wuxuuna hoosta ka xariiqay in dalku uu leeyahay ciidan ku filan difaaciisa.
Dad badani ayaa waxay qabaan in haddii Ciidanka Midowga Afrika ay dalka isaga baxaan ay taasi halis gelineyso amniga dalka, isla-markaana ay Shabaabku la wareegi karaan. Fallanqeeyeyaasha qaar ayaa ku doodaya in dalku uu ku socdo waddadii Afghanistan ee Taliban ay sanadkii 2021 ku qabsatay dalkaasi, markii ay isaga baxeen Ciidamada Mareykanka iyo dalalkii kale ee xulafada.
"Sanadkii hore ee 2025 ayay ahayd, markii la lahaa dalka waa la qabsaday, Xamar baa la tegay iyo Ceelasha Biyaha ayaa la joogaa. Marka dacaayadda Khawaarijta iyo dadka iyaga la fekerka ah, waxaana filayaa inaysan u shaqeyn doonin." Ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Dhulka oo BBC la hadlay.
"Somaliya Afghanistan ma ahan, Khawaarijtuna Taliban ma ahan. Runtii waxaan leeyahay way ka duwan tahay tan, dalkan dadkii lahaa baa u taagan, iyagaa ka shaqayn doona, iyagaana ka ilaalin doono cid walba." Ayuu yiri Taliyaha.
Dhanka kale General Sahal Cabdullaahi Cumar, Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa sheegay in ka bixitaanka Ciidanka Uganda ee meelo ka mid ah dalka aysan ka dhigneyn in dhammaan ciidamadu ay baxayaan.
Taliyaha ayaa tilmaamay in inta ay ogyihiin ay Ciidanka Uganda ka baxayaan Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose, isla-markaana ay qaab hawlgal ah u tagayaan goobo kale oo aanu sheegin meelaha ay yihiin.
"Wax kale oo Gobolka Shabellaha Hoose ah ama ka bixitaan ah amaba wax kaloo xagaa ka cusub ma jiraan." Ayuu yiri Taliyaha oo intaasi ku daray in Ciidanka Xoogga Dalka ay hadda ku sugan yihiin Degmada Baraawe, horeyna ay u joogeen.
"Magaalada Baraawe, Ciidanka Xoogga Dalka ayaa horey u joogay oo qayb ka ahaa ilaalinteeda iyo ogaanshaheeda, haddana Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed baa sugi doona ammaankeeda iyo difaaceeda, intaba." Ayuu yiri General Sahal Cabdullaahi.


