Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug oo xilka la wareegay
Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Liibaan Axmed Xasan ayaa Arbacadan xilka kala wareegay Madaxweynihii hore ee Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ka dib munaasabad ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb.
Munaasabadda oo lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Galmudug ayuu Qoorqoor dokumentiyada maamulka uu si rasmi ah ugu wareejiyay Hoggaamiyaha la doortay ee Dowlad Goboleedka Galmudug.
"Waxaan maanta si rasmi ah kuugu wareejiyay Dowlad Goboleedka Galmudug. Waxaan kuugu wareejiyay Galmudug oo siyaasad ahaan u mideysan, oo aysan jirin maanta meel tabasho siyaasadeed laga qabo Galmudug. Waxaan kuugu wareejiyay Galmudug oo bulsho ahaan iyo dhaqaale ahaan u mideysan." Ayuu yiri Qoorqoor oo ka hadlayay munaasabadda.
Liibaan Axmed Xasan ayaa dhankiisa yiri "Marka hore Ilaahay ayaan u mahadcelinayaa, marka labaadna Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug shaqada wanaagsan ee dalkoodii iyo dadkoodii u qabteen inta ay xilka hayeen ay ugu adeegeen bulshadooda."
"Waxaan maanta uga mahadcelinayaa feelasha iyo xil-wareejinta macnaha iyo miisaanka leh ee Madaxweynaheenna Axmed Cabdi Kaariye uu igu wareejiyay." Ayuu yiri Liibaan Axmed Xasan oo dadka reer Galmudug u rajeeyay "Waxaan u rajaynayaa shacabka Galmudug guul, barwaaqo iyo iskutashi, Insha'Allah."
Liibaan Axmed Xasan ayaa intaasi ku daray "Waxaan Ilaahay ka rajeynaynaa Galmudug oo nabad ah oo israacday oo Khawaarij ka madaxbannaan oo qof kasta oo reer Galmudug ah filashada uu filanayo Galmudug inay hore u socoto ay dhici doonto, haddii uu Alle yiraahdo."
Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne Kuxigeenkii hore ee Galmudug, Cali Daahir Ciid iyo kan cusub Cabdiweli Ibraahim Aadan (Garyare).

















