Macawiisleyda Gobolka Hiiraan oo loo qaatay ciidamada maamulka lagu dhisayo Beledweyne

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa maanta lagu aasaasay ciidamadii ugu horreyay ee uu yeelanayo maamulka cusub ee ka madaxabannaan Hirshabelle ee lagu wado in lagu dhiso magaaladaasi.

Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisleyda Gobolka Hiiraan ayaa loo qaatay inay noqdaan ciidamada ugu horreya ee uu yeelanayo maamulkaasi oo loo sameynayo dadka deegaanka.

Siyaasiyiin iyo Saraakiil ciidan oo Xoogaga Macawiisleyda kula hadlay Beledweyne ayaa u sheegay in si rasmi ah loo qarameeyay.

"Shalay qabiil ayaa ahaydeen oo qof kasta qabiiluu ku yimid, laakiin hadda qaranaa tihiin iyo ciidankii gobolka. Xuquuq, garaam, mushaar, Saraakiil iyo Saraakiil Xigeen ayaad  leedihiin. Shalay sidii aad ahaydeen ahaan maysiin, wixii maanta ka dambeeya." Ayuu yiri Muumin Maxamed Xalane, Gudoomiyihii hore ee Degmada Maxaas.

Muumin Maxamed Xalane oo ka mid ahaa xubnihii ciidamadaasi kula hadlay Beledweyne ayaa intaasi ku daray "Amar qaadasho ayaad ku dhacdeen maanta, Macawiisleydii hore ma tihiin oo magacii iyo dhaqankii waa idiinka bedelmay. Waxaa la rabaa nidaam iyo kala dambayn akhyaarey."

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, garabka ka soo horjeeda Dowlad Goboleedka Hirshabelle ninka lagu magacaabo Maxamed Xuseen Maxamed (Maxamed Carab) ayaa ku dhawaaqay in Magacawiisleyda loogu magac-daray Ciidanka Gobolka Hiiraan.

"Wixii maanta ka dambeeyo ciidamadaasi aniga ayay i hoos imaanayaan." Ayuu yiri Maxamed Carab oo dhanka kale masuuliyiinta taabacsan Hirshabelle ee ku sugan Beledweyne u qabtay in ay muddo 24 saac ah uga baxaan magaaladaasi.

"24 saac gudahood kuwa Jowhar laga amro, haddii aysan uga bixin Gobolka Hiiraan, qaasatan Beledweyne tallaabo sharci oo degdeg ah ayaan qaadaynaa." Ayuu yiri Maxamed Carab oo intaasi ku daray "Haddii dadkaasi ay hadda wanaag rabaan meelihii ay ka yimaadeen iyo meelihii laga xukumayay ha ahaadaan, annaga ciidda aan raali ka nahay iyo cidda nidaamkeenna raali ka ah ayaa meeshaan joogeyso."

Khilaafka siyaasadeed ee Madaxda Dowladda Federaalka kala dhexeeya Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta Gobolka Hiiraan ee ka dhashay hannaanka loo maamulay doorashooyinka Hirshabelle ayaa saamayn taban ku yeeshay Macawiisleyda, oo ah ciidamo dadka deegaanka ah oo horey loogu abaabulay inay Ciidanka Xoogga Dalka ka caawiyaan la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.