Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo u diyaargaroobaya dagaal

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa u diyaargaroobaya dagaal ka dhan ah ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ka hor inta uusan dagaalka ku fidin gobolada deriska la ah Gobolka Baay ee Koonfur Galbeed.

Ciidamada taageersan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed oo wada guluf is ballaarin ah ayaa bishii October la wareegay Degmooyinka Buurhakaba, Berdaale, Diinsoor iyo Qansaxdheere ee Gobolka Baay, iyagoona culeys amni ku haya Magaalada Baydhabo oo fadhi u ah Maamulka Koonfur Galbeed, isla-markaana ay sameynayaan isku dayo ay ku qabsanayaan degmooyinka xorta ah ee Gobolada Shabellaha Hoose iyo Bakool.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaan ku faraxsaneyn qaabka ay wax u socdaan, sababtoo ah waxa uu ogyahay in dagaalka ama loolanku uu sii socdo iyada oo aan maamulku qaadin wax weerar ah, taasi ay guul iyo faa'iido u tahay garabka mucaaradka ee Laftagareen uu hoggaamiyo, maadaama dagaalka uu illaa iyo hadda dhankooda ka socdo, maamulkana uu difaac oo keliya ku jiro.

Warbaahinta ayaa fahamsan in Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed uu ka niyad jabsan yahay in garabka Laftagareen ay ku gacan seyreen baaqiisii ku aaddanaa in wada hadal nabadeed iyo isu tanaasul lagu dhameeyo khilaafka siyaasadeed iyo midka ciidan ee ka taagan Koonfur Galbeed.

Cabdicasiis Laftagareen iyo siyaasiyiinta deegaanka ee ku aragtida ah ayaan aqbalin is bedelka maamul ee ka dhacay Koonfur Galbeed, iyagoona isku dayaya in ay xoog talada dib ugu la wareegaan.

Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Axaddii la arkay, isagoo ku labisan dareyska militariga ama tuutaha cagaaran, xilli uu Baydhabo ku shir guddoomiyay kulan amni oo aan caadi ahayn.

Aadan Madoobe ayaa Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Birmadka Koonfur Galbeed u sheegay in la gaaray waqtigii difaaca loo bedeli lahaa weerar, si looga hortago duulaanka uu maamulku la kulmayo.

Wararka ayaa sheegaya in Baydhabo lagu abaabulayo ciidamo isku dhaf ah, oo ay tahay inay qaadaan guluf wadajir ah oo ciidamada ay dib ugu laabanayaan Degmooyinka Gobolka Baay ee laga qabsaday maamulka.

Abaanduulaha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/dhexe Faysal Cabdullaahi Cali (Beene) ayaa laga soo xigtay in uu socdo qorshe ku aaddan in hawlgalku uu noqdo mid dhul iyo cir isugu jira, halkii uu hawlgalku noqon lahaa mid dhulka ah oo keliya.

Tallaabadan ayaa waxay keeni kartaa in meesha laga saaro ama la dhimo cadaadiska militari ee maamulka uu wajahayo iyo in la soo afjaro go'doominta Baydhabo.

Ciidamada Laftagareen ayaa gacanta ku haya deegaanada hoostaga Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, iyadoo magaaladaasi ay tahay tan qura gobolkaasi ee Maamulka Aadan Madoobe uu ka arrimiyo.