Korneyl Cali Dhuux oo sheegay in dareys la siinayo Macawiisleyda Gobolka Hiiraan

Korneyl Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee ka hawlgala Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Macawiisleyda reer Hiiraan la siin doono dareys isku nooc ah, oo lagu aqoonsado inay yihiin Ciidanka Gobolka Hiiraan.

Xoogaga Macawiisleyda ee gobolkaasi ayaa maanta laga bedelay magaca, iyadoona loogu magac-daray Ciidanka Gobolka Hiiraan, kuwaas oo noqonaya ciidamadii ugu horreyay ee uu yeesho maamulka cusub ee ka madaxabannaan Hirshabelle ee lagu wado in lagu dhiso Magaalada Beledweyne.

"Ciidankan waxaa la siin doonnaa dareys isku eg sida ugu dhakhsaha badan oo isku aqoonsataan, haddii Alle (SWT) uu yiraahdo." Ayuu yiri Korneyl Cali Dhuux Cabdi oo xusay "Waxaad tihiin Ururkii 1aad ee ciidan ahaan loo dhiso Gobolka Hiiraan oo Macawiisley ah ayaa tihiin. Dulmidiid ayaa la idiin bixiyay, dulmidiid inaad noqotaana waa la idiinka rabaa."

Korneyl Cali Dhuux oo maanta ciidamadan kula hadlay Beledweyne oo lagu soo bandhigay ayaa kula dardaarmay "Waxaa la idiinka rabaa inaad awaamiirta sida ay tahay u qaadataan. Haddii ninba wixi uu samayn jiray uu iska sameynayo, meeshaan la isuguma kiin keyneen inta la idin soo xulo."

Ballanqaadka ku aaddan in la siin doono labis isku midab ah ayaa waxa uu ujeedkiisu yahay in Macawiisleyda laga dhigo ciidan nidaamsan, si fududna isugu aqoonsan karaan masraxa dagaalka iyo bulshada dhexdeeda, si looga fogaado khaladaadka, isla-markaana ay u yeeshaan muuqaal ka duwan midkii hore.

Tallaabadan ayaa waxay dhiirigelineysaa kala dambaynta, waxayna ka hortageysaa jahwareerka dhanka aqoonsiga ee xilliga dagaalka iyo meelaha ay bulshada degan tahayba, taas oo saaxiibada safka hore ka caawineysa inay si dhib yar isu aqoonsadaan.