Wasiir Fartaag oo Ruushka kala hadlay tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Wasiirka Amniga Somaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo booqasho ku jooga dalkaasi Ruushka ayaa la kulmay Xoghayaha Dowladda ahna Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Gudaha ee Federaalka Ruushka, Igor Zubov oo si dhow ay uga wada hadleen xoojinta iskaashiga amniga ee labada dal.

"Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga ee labada dal, gaar ahaan tababarka iyo tayeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, horumarinta aqoonta iyo xirfadaha saraakiisha iyo isweydaarsiga khibradaha la xiriira sugidda amniga." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed caawa ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Amniga.

"Wasiirka ayaa si gaar ah uga la hadlay dhiggiisa Ruushka, sidii loo xoojin lahaa taageerada iyo iskaashiga ku saabsan tababarrada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee la-dagaalanka argagixisada, ka hortagga fekerka xagjirka ah iyo ciribtirka sababaha horseeda xagjirnimada." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay "Sidoo kale, labada masuul ayaa ka wada hadlay, sidii loo horumarin lahaa awoodda hay’adaha amniga, loona ballaarin lahaa iskaashiga dhinacyada baarista dembiyada, amniga internet-ka iyo la-dagaalanka khataraha amni ee soo kordhaya."

Igor Zubov ayaa warsaxaafadeedka lagu sheegay inuu muujiyay in Ruushku uu diyaar u yahay in uu Somaliya la wadaago aqoonta, khibradaha iyo tababarrada la xiriira la dagaalanka dembiyada iyo xoojinta amniga.