Xoogag hubeysan oo dhaqdhaqaaq ka wada Magaalada Beledweyne

Xoogagan, oo ah ciidamo dadka deegaanka ah ayaa maalintii 2aad dhaqdhaqaaq ciidan ka wada Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay shalay la wareegeen Xerada Lama Galaay, halkaas oo ay deganaayeen ciidamo ka tirsan Ciidanka Guutada 5aad, Qaybta 27aad ee Xoogga Dalka.
Ciidamada Militariga ayaa la sheegay inay isaga baxeen xeradaasi, ka dib markii uu culeys ka soo fuulay ciidamada dadka deegaanka oo aad u hubeysan.
Magaalada Beledweyne iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamada dadka deegaanka iyo gaadiidka dagaal oo ay wataan.
Xoogagan ayaa taageersan Odayaasha Dhaqanka iyo Syaasiyiinta Gobolka Hiiraan ee ka horyimid doorashooyinkii dhawaan ka dhacay Hirshabelle iyo dib-u-doorashadii Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).
Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo doorto gobolkaasi ayaa ballanqaaday in ay soo dhisi doonaan maamul ka madaxbannaan midka Hirshabelle.
Xiisadda ka soo korortay Beledweyne ayaa ku soo beegmeysa, xilli ay soo baxeen warar sheegaya in Madaxweyne Kuxigeenka cusub ee Hirshabelle, Cabdifitaax Xasan Afrax uu ku soo wajahan yahay magaaladaasi.


