Hawlgalkii Siyaasadeed ee Qaramada Midoobey ee Somaliya oo maanta dhamaaday

Hawlgalka Siyaasadeed ee Qaramada Midoobey ee Somaliya ayaa si rasmi ah u soo geba-gaboobay maanta oo Sabti ah, ka dib in ka badan 30 sano oo Qaramada Midoobey ay hawlgalo siyaasadeed ka wadday dalka.
Tallaabada lagu soo afjaray ayaa ku timid codsi ka yimid dhinaca Dowladda Federaalka iyo qaraaradii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee tirsigoodu ahaa 2753 ee la ansixiyay sanadkii 2024 iyo 2809 oo la ansixiyay 2025.
Somaliya ayaa sanadkii 2024 Qaramada Midoobey ka codsatay inay soo afjarto hawlgalkeeda. Golaha Ammaanka ayaa ansixiyay qorshe laba sano qaadan doona oo shaqada loogu wareejinayo hay'adaha dowladda iyo hay'ado kale oo ka tirsan Qaramada Midoobey.
Hawlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobey ee Somaliya ayaa labadii sano ee u dambeeyay ku shaqeynayay qaab ku-meel-gaar ah, iyadoona la dhameystiray muddadii ku-meel-gaarka ahayd, xilli aanu jirin wax heshiis ah oo labada dhinac ay gaareen oo lagu kordhinayo muddada hawlgalka.
Howlihii shaqo ee Xafiiska UNTMIS uu ka waday dalka ayaa muddooyinkii u dambeeyay si tartiib tartiib ah loogu wareejinayay Dowladda Federaalka iyo hay'adaha kale ee Qaramada Midoobey ee sii joogi doona dalka.
Sarkaalka ugu sarreya hawlgalka, Raisedon Zenenga ayaa sheegay in xiritaanka Xafiiska Siyaasadda uusan ka dhignayn in Qaramada Midoobey ay ka baxeyso ama ay jareyso xiriirka ay la leedahay Somaliya, balse ay tahay u gudubka marxalad kale oo iskaashi ah.
"Maanta ma aha dhammaadka iskaashiga ka dhexeeya Qaramada Midoobey iyo Somaliya; balse waxay calaamad u tahay soo geba-gabeynta cutub ka mid ah xiriirkaas iyo bilowga mid kale." Ayuu Raisedon Zenenga ku sheegay war qoraal ah.
Hawlgalada Siyaasadeed ee Qaramada Midoobey ee Somaliya waxay bilowdeen sanadkii 1995-kii, markii la aasaasay UNPOS oo 2013 lagu bedelay UNSOM, waxaana ugu dambeeyay UNTMIS oo la sameeyay 30-kii bishii October ee 2024, oo ahaa marxaladdii ugu dambeysay ee kala guurka, ka dib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu meelmariyay qaraarka tirsigiisu yahay 2753.
Hawlgalkan wuxuu shaqadiisa si rasmi ah u bilaabay 1-dii November ee sanadkii 2024, isagoo bedelay hawlgalkii hore ee UNSOM.
Muddadii hawlgalada, Qaramada Midoobey ayaa Somaliya ka taageereysay dhinacyada amniga, siyaasadda, dowlad-dhiska iyo dib-u-heshiisiinta.


