Xildhibaan Maalik Cabdalla oo ku laabtay Beledweyne

Xildhibaan Maalik Ibraahim Cabdalla oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo doorto Gobolka Hiiraan ayaa maanta ku laabtay Magaalada Beledweyne, ka dib is bedelka amniga iyo siyaasadeed ee ka dhacay magaaladaasi.

Ciidamo dadka deegaanka ah oo la abaabulay ayaa Jimcihii si nabadgelyo leh ula wareegay Xerada Militariga Lama Galaay iyo Xarumaha Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan degmada ee ku yaala magaaladaasi.

Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta Gobolka Hiiraan oo qayb ay ka yihiin Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee laga soo doorto gobolkaasi ayaa isku diyaarinaya dhismaha maamul ka madaxbannaan kan Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Xildhibaan Maalik Cabdalla ayaa waxa uu xubin firfircoon ka yahay dhinacyada riixaya in gobolkaasi laga dhiso maamul ka madaxbannaan kan Jowhar.

Xildhibaan Maalik Cabdalla ayaa Madaxda Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay doorashooyinka Hirshabelle u xireen shakhiyaad gaar ah, isla-markaana la iska indha-tiray tabashooyinka muddada dheer ay qabeen dadka reer Hiiraan, isagoona xusay in si khaldan loola dhaqmay dadka deegaanka.

"Waxaan kuu sheegayaa in waxa ka socda Koonfur Galbeed ay i qirso noqon doonaan, haddii Hirshabelle ay dhibaato ka bilaabato, taasna waxaa keenayo dadkii oo lagu xadgudbay sharaftoodii iyo xuquuqdii ay dowladnimada ku lahaayeen." Ayuu yiri Xildhibaan Maalik Cabdalla oo maalin ka hor Warbaahinta ka soo muuqday.

Siyaasiyiinta reer Hiiraan ayaa waxay si adag uga horyimaadeen hannaanka ay Dowladda Federaalka u maamushay doorashooyinkii dhawaan ka dhacay Hirshabelle.

Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Beledweyne ayaa waxaa laga mamnuucay inay ka soo deggaan masuuliyiinta ka tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Siyaasiyiinta miisaanka leh ee gobolka ayaa si furan u taageeray diidmada dadka deegaanka ee Hirshabelle iyo inay dhistaan maamul ka madaxbannaan, iyagoo tallaabadaasi u arka mid ilaalineysa xuquuqdooda siyaasadeed.