Ciidanka Macawiisleyda oo bilaabay inay isaga soo baxaan jiidaha hore ee Gobolka Hiiraan

Wararka ka imanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidanka Difaaca Shacabka ee Macawiisley ay isaga soo baxeen furimaha dagaalka qaarkood, isla-markaana ay ku qulqulayaan Magaalada Beledweyne.
Macawiisleyda, oo ah ciidamo dadka deegaanka ah oo horey loogu abaabulay inay Ciidanka Xoogga Dalka ka taageeraan la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab ayaa waxaa saamayn ku yeeshay khilaafka siyaasadeed ee Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta reer Hiiraan kala dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka.
Wararka ayaa sheegaya in Macawiisleyda ay soo banneeyeen difaacyadii qaar ee ay kaga sugnaayeen duleedyada Degmooyinka Buuloburde iyo Matabaan, kuwo kalena ay qorsheynayaan inay soo faarujiyaan aagga Degmada Jalalaqsi.
Xoogaga Macawiisleyda ayaa la sheegayaa in ay taageerayaan is bedelka maamul ee laga sameynayo gobolkaasi, si Beledweyne looga dhiso maamul ay leeyihiin dadka deegaanka, isla-markaana ka madaxbannaan Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Beledweyne ayaa waxaa haatan ku sugan qiyaastii laba kun oo nin oo Macawiisley ah oo aad u hubeysan, isla-markaana wata gaadiidka dagaalka, kuwaas oo Jimcihi si nabdoon ula wareegay Xerada Lama Galaay iyo Xarumaha Maamulka Gobolka Hiiraan iyo kan degmada ee ku yaala magaaladaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in hoggaamiyeyaasha bulshada gobolkaasi ay qorsheynayaan in ciidamadan lagu aasaaso ciidamada ugu horreya ee uu yeelanayo maamulka soo socda, si ay gacan uga gaystaan xaqiijinta dhismihiisa iyo difaaciisaba.
Dhanka kale waxaa jirta cabsi laga qabo in Ciidanka Xoogga Dalka ee deegaanka u dhashay ay xitaa soo banneeyaan difaacyadooda gobolka, iyagoo qayb ka noqonaya loolanka siyaasadeed ee lagaga soo horjeedo Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Haddii ay tani dhacdo ayaa waxay khatar gelineysaa amniga dalka, marka aad eegto in Al Shabaab ay si dhib yar dib ugu qabsaneyso dhulkii laga saaray muddo ka hor.
Gudaha Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka hawlgala cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo deegaanka ka soo jeeda iyo kuwa Difaaca Shacabka ee Macawiisley, kuwaas oo dhowr sannaba iska kaashanayay la dagaalanka Al Shabaab.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo wajahaya ciidan yari ayaan u diyaarsanayn in si dhakhsa ah loo buuxiyo goob kasta oo laga soo baxo oo noqoneysa bar maran.
Xasillooni darrada siyaasadeed ayaa wiiqeysa awooddii ciidanka ee ku wajahneyd dagaalka Al Shabaab iyo in la qabto dhulka maqan, maadaama culeyska ugu weyn la isugu gaynayo, sidii loo difaaci lahaa magaalooyinka waaweyn iyo waddooyinka saadka iyo sahayda.


