Ciidamada Laftagareen oo kordhiyay joogitaankooda duleedka Baydhabo

Wararka ka imanaya Gobolka Baay ayaa sheegaya in ciidamada daacadda u ah Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ay isku uruursanayaan deegaanada hoostaga magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo cusub oo isugu jira ciidamo horey uga tirsanaa Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad dadka deegaanka ah ay gaareen deegaanada dhaca duleedka waqooyi ee magaalada, gaar ahaan deegaanada Ceeldoon, Haabare iyo Munaawir.

Ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed oo sidoo kale ka soo gudbay dhanka deegaanka Awdiinle oo 30km dhinaca galbeed ka xiga Baydhabo ayaa la sheegay inay gaareen deegaanka Harti-qaanle.

Dadka deegaanka ayaa kuu sheegaya in ciidamada taageersan Cabdicasiis Laftagareen ay kordhiyeen joogitaankooda deegaanada ku xeeran Baydhabo, lagana cabsi qabo weerar ay ku qaadaan magaaladaasi.

Magaalada Baydhabo oo fadhi u ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa la kulmeysa go'doon ciidan iyo caqabado dhanka amniga ah, oo ka dhashay culeyska ay ciidamada ka amarka qaata Laftagareen ay soo saareen dhawaanahaan.

Maxamed Xuseen Xasan (John) oo ka mid ah Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ee ku mowqifka ah Laftagareen ayaa Sabtidan ku goodiyay in maalmaha soo socda ay qabsan doonaan Baydhabo.

Garabka Laftagareen ayaa si weyn u doonaya inay qabsadaan Magaalada Baydhabo, si ay u xaqiijiyaan gacan ku haynta Degmooyinka Gobolka Baay oo dhan, ka dib markii toddobaadyo ka hor ay la wareegeen Degmooyinka Berdaale, Buurhakaba, Qansaxdheere iyo Diinsoor.