Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo booqasho ku tegay Baraawe

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa Isniintan kormeer shaqo ku tegay Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Taliyaha Militariga ayaa waxaa degmadaasi ku soo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, waxaana la sheegay in uu kulamo la qaatay Saraakiisha ku sugan magaalo xeebeedka Baraawe.

"Taliyaha iyo wafdigiisa waxaa halkaas ku soo dhoweeyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo kulamo  la qaatay Sarakiisha ku sugan magaalada." Ayaa lagu yiri war goor dhow ka soo baxay taliska.

Warka ayaa lagu sheegay "Intii uu komeerka ku guda jiray, Taliyaha ayaa ciidamada kala hadlay muhiimadda ay leedahay gudashada waajibaadka qaran, adkeynta heeganka iyo ilaalinta amniga, isaga oo sidoo kale Saraakiisha ka dhageystay warbixinno la xiriira xaaladda amni ee Magaalada Baraawe iyo deegaanada ku xeeran iyo howlaha ay ciidamadu ka wadaan halkaas."

Warka ayaa intaasi ku daray "Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaalada Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee lagu qiimeynayo xaaladda iyo diyaargarowga ciidamada, xoojinta amniga iyo kor u qaadista tayada iyo hufnaanta hawlgal ee cutubyada ku sugan furimaha dalka."

Booqashadan ayaa waxay u muuqataa tii ugu horreysay ee Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka uu ku tago Baraawe, tan iyo markii xilka loo magacaabay daba-yaaqadii bishii January.

Booqashadan ayaa ku soo beegmeysa, xilli ay jirto cabsi laga qabo in ciidamada taabacsan Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ay soo weeraraan magaaladaasi.

Baraawe ayaa ah Xarunta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, inkastoo maamulka uu sannado badan si ku-meel-gaar ah ugu shaqeynayay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.