Axmed Madoobe oo muddo ka dib ku laabtay Kismaayo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo, ka dib muddo uu safar ugu maqnaa dalka dibaddiisa.

Gudoomiyaha Baarlamaanka, Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, xubno ka tirsan Labada Gole ee Jubbaland iyo dadka deegaanka ayaa Madaxweynaha ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa muddo laba bilood ka maqnaa Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa muddadaasi safar shaqo iyo shirar siyaasadeed ugu maqnaa dalalkaasi Kenya iyo Emirate-ka Carabta.

Dib ugu soo laabashadiisa Kismaayo ayaa ku soo aadeysa, ka hor shirka wadatashiga ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu isugu yeeray mucaaradka iyo bulshada rayidka, oo 14-ka illaa 18-ka bishan ka qabsoomi doona Caasimadda Muqdisho.

"Gogoshan ayaa ujeedkeedu yahay in si wadajir ah looga wada hadlo arrimaha doorashooyinka federaalka, si ku dhisan is afgarad iyo isu tanaasul." Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu 26-kii October ku shaaciyay shirkan.

Ma cadda in Axmed Madoobe uu ka qaybgeli doono shirka Muqdisho iyo in kale, waxaase uu xubin firfircoon ka yahay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo la isku yiraahdo Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta, Puntland iyo Jubbaland.