Hoggaamiyaha Galmudug oo Qoorqoor ku soo dhaweeyay Dhuusamareeb
Hoggaamiyaha cusub ee Galmudug, Liibaan Axmed Xasan ayaa gelinkii dambe ee maanta Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug ee xafiiska jooga, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).
Hoggaamiyaha la doortay ee Galmudug, Duqa Dhuusamareeb Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geeda-qorow), Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, Saraakiil ciidan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa si diiran Madaxweyne Qoorqoor ugu soo dhaweeyay Garoonka Ugaas Nuur.
Soo dhaweynta ka dib oo Wariyeyaasha ay Qoorqoor weydiiyeen, sida loo soo dhaweeyay Ayaa ku jawaabay "Wixii war ah waa noo dambeeyaa, Insha'Allah."
Dhuusamareeb ayaa waxaa ka socota qaban-qaabada munaasabadda uu xilka kula wareegayo Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug.
Liibaan Axmed Xasan ayaa caawa bartiisa Facebook ku daabacay "Madaxweyne Qoorqoor oo shaqo wanaagsan u soo qabtay dadka reer Galmudug, waxa uu inoo ahaan doonnaa oday iyo haldoor reer Galmudug ah oo talo, waayo-aragnimo iyo garab istaagba ku biiriya geeddi-socodka dowlad-dhiska iyo hirgelinta qorsheyaasha waxqabad ee muddada xil-haynteenna, si adeeg u hufan u gaaro dadkeenna."
Liibaan Axmed Xasan ayaa 22-kii bishii October loo doortay in uu noqdo Hoggaamiyaha shanta sano ee soo socota hoggaamin doona Galmudug.
Xil ka degista nabdoon iyo wada-shaqaynta odaytinimo ee Qoorqoor ayaa damaanad qaadeysa inaanay jiri doonin hakin xagga adeegyada ah.
















