Ilhaan Cumar oo dib loogu doortay Congress-ka Mareykanka

Ilhaan Cumar ayaa dib loogu doortay xubinimadeeda Congress-ka Mareykanka, ka dib doorashada xilliga dhexe Mareykanka ee Talaadadii ka dhacday dalkaasi.

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa ku guuleysatay kursiga Degmada 5aad ee Gobolka Minnesota, iyadoona tartanka kaga adkaatay Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga oo lagu magacaabo John Nagel.

Ilhaan Cumar oo ka sharaxneyd Xisbiga Dimoqraadiga ayaa heshay codad dhan 263,166 oo u dhiganta (76.48%), halka John Nagel uu helay 55,805 cod oo marka boqolley ahaan loo rogo ay noqoneyso (16.22%).

DeVelle Jackson, oo ah musharax madaxbannaan oo isna u tartamayay kursigan ayaa helay 24,215 cod (7.4%).

Guusha weyn ee Ilhaan Cumar ay ka gaartay doorashadan ayaa ku soo aadeysa, xilli Madaxweyne Donald Trump uu ugu baaqayay in ay iska casisho kursiga Baarlamaanka, ka dib markii uu ku eedeeyay in ay ku kacday qiyaano.

Waa markii shanaad oo Ilhaan Cumar ay ku guuleysato kursiga Aqalka Wakiilada Mareykanka, iyadoo degmada laga soo doorto uu aad ugu xooggan yahay Xisbiga Dimoqraadiga ama degmada ay ku nool yihiin taageereyaasha ugu badan xisbigaasi ee Gobolka Minnesota.

Guusha doorashada ee Ilhaan Cumar ay mar kale ku guuleysatay kursigan ayaa timid, ka dib tartan adag iyo weeraro syaasadeed oo is daba joog ah oo kaga imanayay Trump iyo xulafadiisa.

Ololihii doorashada ee qabsoomay billihii la soo dhaafay, waxaa muuqatay in Trump iyo kooxdiisa ay culeys weyn saareen, sidii ay u fashilin lahaayeen Ilhaan Cumar, laakiin adkeysigeeda iyo taageerada nool ay ku leedahay gobolka ayaa ka hortagey inay xaqiijiyaan hadafkooda.