Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo ka qaybgalay xuska sanad guurada 46aad ee aasaaska Ciidamada Jabuuti

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta Magaalada Djibouti ee Jamhuuriyadda Jabuuti kaga qaybgalay munaasabadda sanad guurada 46aad ee ka soo wareegatay aasaaska Ciidamada Qalabka Sida ee Jabuuti, oo maanta oo kale sanad kasta dalkaasi laga xuso.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka Jabuuti ayaa Xerada Sheekh Cismaan ku soo bandhigay dhoola-tus ay ku muujinayaan cududooda ciidanimo.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dhambaal hambalyo ah la wadaagay Taliyaha Ciidamada Jabuuti, General Sakariya Sheekh Ibraahim iyo shacabka reer Jabuuti.

Dhanka kale munaasabad middani ku lamaan ayaa lagu qabtay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay degan yihiin Ciidanka Militariga Jabuuti ee qaybta ka ah Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS 

Munaasabaddan oo ka dhacday deegaanka Ceeljaale ee duleedka Beledweyne ayaa waxaa ka qaybgalay Taliyaha Ciidanka Jabuuti ee Hiilwalaal, Korneyl Xasan Jaamac Faarax, Taliyaha Qaybta 4aad ee Hawlgalka ATMIS, Korneyl Xumad Axmed Maxamed, xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan, kan degmada, Saraakiil ciidan iyo weliba masuuliyiin kale.

Jamhuuriyadda Jabuuti oo ah dal yar oo ku yaala Geeska Afrika ayaa waxaa lagu tilmaamaa mid ka mida dalalka ugu xasilloonida wanaagsan ee Afrika.