Tirada dadka ku dhintay duqayntii Al-Mawasi, Gaza oo korortay

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay inay korortay tirada dadka rayidka ah ee ku dhintay duqayntii Israel ay Sabtidii ka gaysatay goobta dadka barakacayaasha ahi degan yihiin ee ku taala deegaanka Al-Mawasi ee koonfurta Marinka Gaza.

Wasaaradda ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in tirada dadka rayidka ah ee ku dhintay weerarkaasi ay gaartay 90 qof, ayna ku dhaawacmeen illaa 300 oo kale.

Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa garaacay goob ay horey Israel ugu sheegtay aag bani'aadantinimo oo nabdoon.

Israel ayaa sheegtay in weerarkan lagu bartilmaameedsaday Taliyaha Militariga Xamaas, Mohammed Deif iyo kuxigeenkiisa Rafa Salama.

Dadkii ka badbaaday weerarka ayaa sheegay in goobta la duqeeyay ay u egtahay, sida goob uu dhulgariir ka dhacay oo kale.

Weerarkan ayaa noqonaya khasaarihii ugu badnaa ee dadka rayidka ah ka soo gaara goob qura, muddo bil ah.

Bishii June weerar ay Israel ku soo furatay afar la hayste oo ka dhacay xerada qaxootiga Nuseirat ee bartamaha Marinka Gaza ayaa waxaa ku dhintay 274 qof oo shacab ah, 698 kalena ay ku dhaawacantay.

Dowladaha gobolka ayaa si adag u cambaareeyay weerarkan ugu dambeeyay ee ay Israel ku xasuuqday shacabka aan hubeysneyn.