Tirada dhimashada duqaymaha Israel ee Lubnaan oo aad u kordheyso

Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa shaacisay in tirada dhimashada shacabka dalkaasi ee tan iyo markii uu dagaalku bilowday 2-dii bishii March ay gaartay 2,055 qof.
Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in dadka dhintay ay ku jiraan boqolaal haween, carruur iyo shaqaale caafimaad.
Wasaaradda ayaa war qoraal ah ku sheegtay in ugu yaraan 6,588 kale ay ku dhaawacmeen duqaymaha Israel ee aan kala sooca lahayn.
Jimcihii, tirada dhimashada ee shacabka Lubnaan ayaa ahayd 1,800 oo qof, laakiin cusbooneysiinta Wasaaradda Caafimaadka ee tirada dadka la dilay ayaa muujineysa koror aad u badan.
Ciidanka Cirka Israel ayaa Arbacadii sii xoojiyay duqaymaha ay ka fulinayaan gudaha dalkaasi, taas oo lagu mucaaradayo xabad joojinta muddada labada toddobaad ee Mareykanka iyo Iran ay ku heshiiyeen in laga sameeyo Bariga Dhexe, iyadoo Lubnaan ay qayb ka tahay.
Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa si adag uga horyimid inay xabad joojin ka sameeyaan dalkaasi, isagoona ku hanjabay in Israel ay sii wadi doonto hawlgaladeeda ka dhanka ah dalkaasi.
Weerarada xagga cirka ay Israel ka waddo guud ahaanba Lubnaan ayaa waxaa barbar socda hawlgalka dhinaca dhulka ay Tel Aviv ku dooneyso in ay dhul cusub kaga qabsato dalkaasi.
Iran ayaa ka digtay inay soo afjari doonto heshiiskii xabad joojinta ee ay Mareykanka la gashay Talaadadii, haddii aanu Israel ka joojin weerarada Lubnaan.


