Toddobaadka aqoonsiga ee Dowladnimada Falastiin ee bilaabanaya

Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ee Isniinta ka furmaya Xarunta Qaramada Midoobey ee Magaalada New York, isla-markaana soconaya illaa 29-ka bishan ayaa lagu wadaa in tiro dalal ahi ay kaga dhawaaqaan aqoonsigooda Dowladnimada Falastiin.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron oo si weyn ugu ololeeyay in dalalka aan horey u aqoonsan Falastiin ay markan aqoonsadaan ayaa berrito khudbad ku leh in uu ka jeediyo Shirka Qaramada Midoobey, waxaana la filayaa in uu halkaasi si rasmi ah uga dhawaaqi doono aqoonsiga dalkiisa ee Falastiin.

Madaxweyne Macron ayaa sidoo kale ku celin doona baaqiisa ah in kuwa aan weli sidaasi yeelin inay si degdeg ah ugu dhaqaaqaan, si loo xaqiijiyo xalka laba dal oo deris ah, nabadna ku wada nool.

Aqoonsigan ayaa muhiim u ah in la taageero dadaalada caalamiga ah ee lagu raadinayo xabad joojinta Gaza iyo bilaabista geeddi-socod siyaasadeed, oo looga gol leeyahay in la soo afjaro sharci darrada ay Israel ku haysato dhulka Falastiiniyiinta, si shacabka Falastiin loogu ogolaado xaqa sharci ay u leeyihiin inay u noolaadaan, si la mid ah sida shacabka Israel.

Wararka ayaa sheegaya in dalalka Belgium, Malta, Portugal, Ingiriiska, Luxembourg, Australia iyo Canada ay iyaguna qaadi doonaan tallaabada Faransiiska oo kale.

Madaxda caalamka ayaa ku qulqulaya dalka Mareykanka, si ay uga qaybgalaan Meertada 80aad ee Golaha Loo Dhanyahay ee Qaramada Midoobey.

Muddada uu socdo shirka ayaa la sheegay in madaxdu ay ku boorin doonaan hoggaamiyeyaasha weli ka caga jiidaya inay aqoonsadaan Falastiin in ay qayb ka noqdaan halka ay dabeyshu u socoto.

Hoggaamiyeyaasha reer galbeedka ayaa cadaadis aan horey loo arag kala kulmaya shacabkooda, si ay u bedelaan mowqifkooda taageerada ee Israel.

Is bedelkan ayaa ah mid taariikhi ah, iyadoo Faransiiska iyo Ingiriiska ay noqonayaan dowladihii ugu horreyay reer galbeed ah ee ka tirsan 5-ta dal ee joogtada ah ee Golaha Ammaanka, isla-markaana si rasmi ah u aqoonsada Dowlad Falastiini ah.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa aqoonsiga Falastiin ku tilmaamay mid lagu abaalmarinayo Xamaas, ha yeeshee Madaxweynaha Faransiiska ayaa ku sheegay sida ugu wanaagsan ee meesha looga saari karo Ururka Xamaas.

Xamaas ayaa wacad ku martay inaysan hubka dhigi doonin, illaa iyo inta Israel ay xoog ku haysato dhulka Falastiiniyiinta, isla-markaana ay diidan tahay in la yegleelo dowlad ay shacabka Falastiin leeyihiin.

Macron ayaa Sabtidii qoraal ku sheegay in uu la hadlay Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Mohammed bin Salman, si Paris iyo Riyadh ay u shir guddoomiyaan Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ee maalinimada Isniinta, isaga oo intaasi ku daray in shirkan uu muhiim u yahay, sidii caalamka uu u taageeri lahaa dadaalada nabadda.

Shirka Qaramada Midoobey ayaa diiradda lagu saari doonnaa, sidii xal waara loogu heli lahaa colaadda Israel iyo Falastiin ee muddada dheer socotay.

Aqoonsigan ayaa calaamad u ah niyad jabka caalamiga ah ee sii kordhaya ee Israel, kuna aaddan weeraradeeda aan kala sooca lahayn ee Gaza iyo gargaarka naf badbaadinta ay xanibeyso, taasna waxay keentay in shacabka reer galbeedka ay Israel u tixgeliyaan dowlad leysa carruurta iyo haweenka.

Xalka labada dal ayaa lagu sheegay habka keliya ee lagu xaqiijin karo in laga gudbo colaadda Bariga Dhexe, isla-markaana saamaynta ku leh caalamka intiisa kale.