Trump oo markan raadinaya isbahaysi la dagaalama Iran iyo caqabad arrintaasi ka haysato

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa dadaal ugu jiro, sidii uu u dhisi lahaa isbahaysi caalami ah oo la dagaalama Iran, isagoo raadinaya in la furo Marinka Hormuz, inkastoo aad mooddo in damaciisa uusan weli shaqeyneyn.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa Sabtidii dhowr dal oo Ingiriiska uu ka mid ah ugu baaqay inay soo diraan maraakiibtooda dagaalka, si dib loogu furo Marinka Hormuz.
Madaxweynaha oo habeen hore ay khadka teleefoonka ku wada hadleen Raysal Wasaare Keir Starmer ayaa weydiistay in ay Mareykanka ka gacan siiyaan furitaanka Hormuz, baaqaas oo la sheegay in Raysal Wasaaruhu uu diiday.
Warbaahinta Ingiriiska ayaa ku warameysa in Raysal Wasaaruhu uu ka gaabsaday in ciidamadiisu ay qayb ka noqdaan hawlgal militari oo Trump uu doonayo in lagu furo Hormuz.
Wargeyska Standard ee ka soo baxa London ayaa Isniintii daabacay in Starmer uu Trump u sheegay in loo baahan yahay in la joojiyo dagaalka Iran, iyadoo wax laga qabanayo dhibaatada dhaqaale ee dagaalkan uu soo kordhiyay.
"Britain waxay dooneysaa in xal degdeg ah laga gaaro dagaalka ayuu Sir Keir Starmer u sheegay Trump, iyadoo mallaayiin dad ah oo dalka oo dhan ah ay wajahayaan sicir bararka naxdinta leh ee ku imanaya sahayda saliidda." Ayuu wargeysku qoray.
Wargeyska ayaa warbixintiisa ku xusay "Iyadoo dowladdu ay u xusul duubeyso, sidii ay qoysaska uga ilaalin lahayd dhaqaale-xumada ka dhalan karta colaadda, Raysal Wasaaruhu wuxuu carabka ku adkeeyay inaysan su'aal ka taagnayn in dagaalka oo la joojiyo uu yahay habka ugu dhakhsaha badan ee lagu dhimi karo qiimaha nolosha."
Wargeyska The Telegraph ayaa sidoo kale ku waramay in Starmer uu diiday inuu diro maraakiib dagaal, si ay uga qayb qaataan dib u furista Hormuz, ka dib markii uu Trump ku baaqay in laga hortago khatarta Iran ee marinkaasi.
Ciidamada Iran ayaa xiray Marinka Hormuz, taas oo dunida ku keentay dhibaato dhaqaale iyo in qiimaha shidaalka uu noqdo mid cirka isku sii shareeraya.
Dhanka kale Madaxweyne Trump ayaa isla Sabtidii sheegay in uu rajeynayo in dalalka Shiinaha, Japan, Kuuriyada Waqooyi iyo Faransiiska ay soo diraan maraakiibtooda, si meesha looga saaro carqaladeynta isu socodka maraakiibta ee Hormuz. Mid ka mid ah dalalkan ayaan si toos ah uga jawaabin baaqa Trump.
Trump ayaa doonaya in iyadoo aan la joojin hawlgalka militari ee lagu burburinayo kaabeyaasha gudaha Iran in la helo isbahaysi caalami ah oo gacan ka gaysta in wax laga qabto xirnaanshaha Hormuz. Farriimaha ka imanaya dhinaca Trump ayaa muujinaya in maamulkiisu aanu diyaar u ahayn in la soo afjaro dagaalka gobolka oo socdo toddobaadkiisii saddexaad.
Tallaabada ay Iran ku xanibtay isu socodka maraakiibta ee Hormuz ayaa ah cadaadis dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo Trump uu wajahayo.
Xulafada Mareykanka ee reer galbeedka ayaa waxay u muuqdaan kuwo ka soo horjeedo inay Militariga Mareykanka ka taageeraan, sidii ay uga adkaadaan lahaayeen Ciidamada Iran. Warbaahinta caalamiga ah ayaa ka faallooneysa in xulafada Mareykanka ay qabaan walaac qoto dheer, oo ku aaddan in si qorshe la'aan ah uu Mareykanka u galay dagaalkan.
Trump ayaa ku hanjabaya in Mareykanku uu furi doono Hormuz, iyadoo uu Aqalka Cad qorsheynayo in la sii wado hawlgalka ka dhanka ah Iran, illaa ay kaga dhawaaqayaan in Iran laga adkaaday.
Shaki kama taagna in Mareykanku uu ka hub iyo ciidanba badan yahay Iran, laakiin la tacaalidda cawaaqib xumada dagaalka iyo waqtiga uu dagaalku socon doono oo aan la garaneyn ay keeneyso dib u dhac weyn iyo dhaqaale burbur.
Trump ayaan ka istaagi doonin, sidii uu dalalka ugu cadaadin lahaa inay ka qayb qaataan dagaalkan, haddii kalena aanu Mareykanku kolkooda caawin doonin.
Dalalka xubnaha ka ah isbahaysiga caalamiga ah ee NATO ayaa laga yaabaa in qaar ka mid ah ay soo galaan dagaalkan, balse waa marka ay qiimayn badan sameeyaan.
Trump ayaan hurdada ku raaxeysan doonin, illaa uu dhiso isbahaysi la dagaalama Iran amaba uu si dirqi ah uu heshiis u qaato.
Trump ayaad mooddaa in uu xaqiiqsaday inaanan si fudud looga adkaan karin Iran, taasoo aad ka garan karto, siduu dalalka diidan dagaalkan ugu khasbayo in ay soo galaan.


