Turkiga iyo Mareykanka oo ka wada hadlay dagaalka Suuriya

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan iyo dhiggiisa Mareykanka Antony Blinken ayaa khadka teleefanka kaga wada hadlay dagaalka dib uga soo cusboonaaday dalka Suuriya.

Washington ayaa sheegtay in wada hadalka diiradda lagu saaray, sidii hoos loogu dhigi lahaa xiisadda, loona badbaadin lahaa dadka rayidka ah.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Matthew Miller ayaa tilmaamay in labada Wasiir ay isla qaadaa dhigeen baahida loo qabo hoos u dhigista xiisadda kordheysa, ilaalinta dadka rayidka ah iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee Xalab iyo meelo kale, halkaas oo xoogaga uu Turkigu taageero ay wax ka qabteen dhulka ay kooxaha fallaagada la wareegeen.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa dhankeeda sheegtay in Fidan uu Blinken u sheegay in dalkiisu uu taageeri doono dadaalada socda, si loo yareeyo xiisadda dalkaasi.

Dagaalkan ayaa waxaa lagu arkay xoogaga uu Turkigu taageero, kuwaa oo qayb ka ah dagaalka ay hoggaamineyso Hayat Tahrir Al-Sham (HTS) ee lagu qaaday dhulka ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Suuriya iyo dagaal-yahanada Kurdiyiinta ee YPG oo ka mid ah kooxaha gacanta siinaya Militariga Suuriya.

Xoogaga uu Turkigu bari-taaro (Ciidamada Xorta Suuriya) ayaa Axaddii sheegay inay la wareegeen gacan ku haynta Magaalada Tal Rifaat iyo deegaanada Shaaleh & Nairabiyyeh ee Gobolka Halab iyo deegaanada kale ee Ain Daqna iyo Sheikh Issa.

Dhulkan ayaysan horey u joogin Ciidamada Dowladda Suuriya, laakiin waxaa ku sugnaa kooxda la magac-baxday (Ciidamada Dimoqraadiga Suuriya) oo u badan dagaal-yahanada Kurdiyiinta Suuriya ee qaybta ka ah YPG. Dagaal-yahanadan ayaa muddo dheer ku lug lahaa dagaalka sokeeye ee wejiyada badan ee dalkaasi,

Turkiga ayaa YPG u arka koox argagixiso oo xulafo la ah Jabhadda Kurdiyiinta Turkga ee PKK oo dagaal kula jirta dowladda dalkaasi. PKK ayaa tobanaan sano hoggaamineysay kacdoon ka dhan ah Ankara.

Turkiga, Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa PKK u aqoonsan urur argagixisado, waxayna horey ugu darayn liiska argagixisada.

Xoogaga Kurdiyiinta Suuriya waxay horey taageero uga heli jireen Mareykanka, oo ciidamadiisu ay dagaal kula jiraan Daacishta Suuriya.

Kooxaha fallaagada ee la dagaalamaya Dowladda Suuriya oo isugu yeeray (Hoggaanka Hawlgalada Militari) ayaa isku dayaya in sanado ka dib ay xukunka ka tuuraan Madaxweyne Bashar Al Assad.

Guusha fallaagada ayaa caqabaddii ugu weyneyd muddo sideed sano ah ku noqotay Madaxweyne Assad, markii awoodda hawada ee Ruushka ay gacan ka gaysatay dib u qabsashada Ciidamada Dowladda ee dhulkii ay fallaagada ku qabsatay dagaalka sokeeye ee dalkaasi.

Weerarada cusub ee fallaagada ayaa dib u xoojinaya dagaalka sokeeye ee muddada dheer ka socday dalkaasi, kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 300,000 oo qof. Dagaalkan ayaa lix milyan oo Suuriyaan ah ku khasbay in ay qaxooti ku noqdaan dalka dibaddiisa.

Isku dhacaan hubeysan ayaa imanaya, ka dib markii Turkiga iyo Ruushka ay bishii March ee sanadkii 2020 ay xabad joojin kaga dhawaaqeen Idlib.