Turkiga oo ku biiraya wada hadalada Sharm El-Sheikh, si niyad wanaag loogu muujiyo Xamaas

Turkiga ayaa lagu wadaa in uu ka qayb qaato wada hadalka aan tooska ahayn ee wufuudda Israel iyo Xamaas uga socda Magaalada Sharm El-Sheikh ee lagaga doodayo hirgelinta qorshaha Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ee xabad joojinta Gaza.
Wararka ayaa sheegaya in Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka & Nabad Sugidda Turkiga (MIT), Ibrahim Kalin uu Arbacadan tagi doono magaalada loo dalxiiska tago ee ku taala Badda Cas.
Wakaaladda Wararka Turkiga ee Anadolu ayaa ku warantay in Agaasimaha Hay'adda Sirdoonka ee dalkaasi lagu wado in uu ka qayb qaato wada hadalada lagu dhexdhexaadinayo dhinacyada.
Wada hadalada Sharma El-Sheikh ayaa si gaar ahi diiradda loogu saarayaa in xabad joojin laga sameeyo Marinka Gaza, is dhaafsiga maxaabiista, kordhinta gargaarka bani'aadantinimo ee Gaza iyo goobaha ay tahay in Ciidamada Israel ay wejiga koowaad ee heshiiska ay uga baxaan Gaza.
Ku biiritaanka Turkiga ee dhexdhexaadinta laga dhex wado labada dhinac ayaa lagu sheegay mid lagu wanaajinayo niyadda Ururka Xamaas.
Khalil Al Hayya oo hoggaaminaya wafdiga Xamaas ee ku metelaya wada hadaladaasi ayaa Talaadadii sheegay in ay u baahan yihiin damaanad dhab ah, oo ku aaddan in Israel aysan dib dambe u bilaabi doonin dagaalka Gaza, haddii xabad joojinta la isla qaato.
Khalil Al Hayya ayaa sheegay in dhankooda ay ka go'an tahay in ay taageeraan qorshaha Trump ee in xabad joojin waarta laga hirgeliyo Gaza iyo sii deynta maxaabiista, balse aysan ku kalsooneyn Israel oo uu ku eedeeyay in ay ku xadgudubto heshiis kasta oo ay gasho.
"Israel weligeed ma ixtiraamin ballamihii ay qaadday taariikhda oo dhan." Ayuu yiri Khalil Al Hayya oo intaasi ku daray inaysan hal daqiiqo xita aamini karin Israel, sidaasi daraadeedna ay u baahan yihiin damaanad caalami ah, oo ku aaddan in haddii ay sii daayaan maxaabiista Israeliyiinta in Israel ay dhowri doonto heshiiska nabadda.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar, Majed Al Ansari oo ka garaabaya walaaca Hoggaanka Siyaasadda Xamaas ayaa sheegay in loo baahan yahay bayaan ay Beesha Caalamka ku ballanqaadeyso in aan la ogolaan doonin in Israel ay ku xadgudubto heshiiskan laga shaqeynayo.
Afhayeenka ayaa sheegaya in caqabadaha ku gadaaman wada-xaajoodkan laga gudbi doono, haddii Israel ay soo saarto qoraal ay si cad ugu sheegeyso in ay ilaalin doonto heshiiska.
Si kastaba ha-ahaatee Agaasimaha Hay'adda Sirdoonka Turkiga ayaa ku biiraya Raysal Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar, Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani, Ergayga Mareykanka ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff, Jared Kushner oo ah wiilka uu soddoga u yahay Trump iyo Saraakiisha Masar ee ku sugan Sharm El-Sheikh, isla-markaana ka shaqeynaya dadaalada loogu kala dab qaadayo Israel iyo Xamaas.