UNICEF oo ka digtay masiibo ku soo fool leh 450,000 oo carruur ah oo ku nool Magaalada Gaza
Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Carruurta (UNICEF) ayaa ka dhawaajisay masiibo ku soo fool fool leh in ka badan 450,000 oo carruur ah oo ku nool Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza.
Israel oo magaaladan ku hayso duqaymo aan kala joogsi lahayn ayaa qarka u saaran inay noqoto goob aan badbaado lahayn, sida ay Qaramada Midoobey sheegtay. Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa ka digay kororka weerarada Israel ee ka dhanka ah magaaladan, oo ay sheegeen in ay ku nool yihiin qiyaastii hal milyan oo qof.
Agaasimaha Hay'adda UNICEF ee Bariga Dhexe, Edouard Beigbeder ayaa sheegay in hawlgalka militari ee sii kordhaya ay Israel ka waddo Magaalada Gaza uu leeyahay cawaaqib xun, isla-markaana uu halis ku yahay nolosha kala bar dadka hadda ku nool magaaladaasi oo carruur ah.
"Carruurta waxay ku sii siqayaan cirifka badbaado la'aanta, iyadoo macluusha iyo rabshadaha dilaaga ahi ay sii fidayaan." Ayuu yiri Agaasimaha.
Agaasimaha ayaa sheegay in carruurtu ay wajaheyso khatarta ugu sarreysa ee weerarada aan taxadarta lahayn ee Israel ka gaysaneyso magaalada ugu weyn ee Marinka Gaza.
UNICEF ayaa waxay xaqiijisay in macluul ay ka jirto Magaalada Gaza, waxayna ka dhawaajisay in qaar ka mid ah 2,400 oo carruur ah oo haatan laga daweynayo xaalad nafaqo xumo daran ay gaajo u dhiman karaan, haddii baxnaanintooda la joojiyo.
UNICEF ayaa waxay ku celisay baaqeeda ku aaddan in xabad joojin degdeg ah laga sameeyo Marinka Gaza, ilaalinta dadka rayidka ah, kaabeyaasha muhiimka ah, in aan la carqaladeyn gargaarka bani'aadantinimo ee naf badbaadinta ah iyo in ay caafimaad dibadda ah helaan dhallaanka dhiciska ah, carruurta dhaawaca ah iyo kuwa kale ee naafada ah.
"In ka badan 50,000 oo carruur ah ayaa la sheegay in la dilay ama la naafeeyey, wax ka yar laba sano." Ayay UNICEF ku sheegtay war ay soo saartay oo intaasi ku daray "Imisa kale ayaa loo baahan yahay in la dhibaateeyo, ka hor inta aysan dunida wax ka qaban."
Tan iyo waaberigii saakay 59 qof ayaa lagu dilay Marinka Gaza, kuwaas oo 42 ka mid ah lagu dilay Magaalada Gaza. 14 ka mid ah dhibaneyaasha ayaa isku qoys ahaa.
Qoyska Sultan ayaa lagu laayay duqayn ay Israel ku qaadday hoygooda oo ku yaala xaafadda Al-Tawam ee waqooyiga Magaalada Gaza.
Dagaalka Gaza oo maanta galay maalintii 707-aad waxay Israel sii waddaa dilka ay gaysaneyso dadka rayidka ah ee aan is difaaci karin, barakaca ay ku hayso, burburinta guryahooda iyo kaabeyaasha kale ee dadweynaha, sida goobaha danta guud oo ay ku jiraan isbitaalada, xarumaha gargaarka, goobaha waxbarashada, cibaadada, waddooyinka iyo inaysan jirin meel ay si gaar ahi dadku ugu badbaadi karaan.
Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa dhankeeda qaylo dhaan ka muujisay xaaladda bani'aadantinimo ee ka sii dareysa ee guud ahaanba Marinka Gaza.
Hay'adda UNRWA waxay sheegtay inaysan jirin meel ammaan ah oo hartay oo ku taala Marinka Gaza, taasoo ay sheegtay inay dadka reer Gaza u dheer tahay cunto ku filan oo aysan haysan.
"Maamulka Israel ayaa sii wado is hortaagga uu ku hayo in saadka gargaarka ee UNRWA uu soo galo Gaza. Waxaa loo baahan yahay rabitaan siyaasadeed, si taas loo soo afjaro oo go'doomintana looga qaado." Ayay UNRWA ku sheegtay qoraal.
"Dadku meel ay aadaan ma haystaan, meel ammaan ah ma jirto, dagaalkani waa inuu joogsadaa. Waxaan dalbanayaa in xabad joojin hadda la sameeyo." Ayay tiri UNRWA.
Israel oo ciidamadeeda ay 23 bilood ka dagaalamayaan Marinka Gaza ayaa weli raadineysa guusha dagaalka.