UNIFIL oo Ciidamada Israel ku eedeysay xadgudub qaawan
Taliska Ciidanka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey ee Hawlgalka UNIFIL ee ka hawlgala dalka Lubnaan ayaa caawa Ciidamada Israel ku eedeeyay inay burburiyeen foosto buluug ah, oo calaamadeynaysa xadka ay la wadaagto Lubnaan iyo sidoo kale daar kormeer ah oo Ciidamada Lubnaan ay leeyihiin oo u dhow mid ka mid ah goobaha kormeereyaasha Qaramada Midoobey.
Dhacdadan ayaa ka dhacday deegaanka Labbouneh oo ku yaala aagga khadka buluugga ee kala qaybiya labada dal, isla-markaana xiga dhinaca Lubnaan, halkaasoo ay degan yihiin Ciidamada Qaramada Midoobey.
"Saakay Ciidanka Nabad Ilaalintu waxay arkeen cagaf-cagaf ay leeyihiin Ciidanka Difaaca Israel oo burburineysa foosto buluug oo calaamad u ah khadka ka bixitaanka Lubnaan iyo Israel ee Labbouneh iyo sidoo kale munaarad kormeer ah oo ay leeyihiin Ciidamada Qalabka Sida ee Lubnaan, isla-markaana u dhow dhinaca UNIFIL." Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska UNIFIL.
Qoraalka ayaa lagu sheegay "Burburinta tooska ah ee Ciidanka Difaaca Israel ee foostada buluugga ah iyo kaabeyaasha Ciidamada Lubnaan ay yihiin xadgudub qaawan oo lagu sameeyay qaraarka 1701 iyo sharciga caalamiga ah."
Qaraarka 1701 ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo la ansixiyay bartamihii sanadkii 2006 ayaa taageeraya nabadda Lubnaan & Israel iyo shuruudaha kale ee lagama maarmaanka u ah nabadgelyada waarta ee shacabka labada dal. Qaraarkan ayaa sidoo kale adkeynaya in laga fogaado waxyaabaha abuuraya isku dhacyada labada dhinac.
Taliska UNIFIL ayaa dhinacyada ugu baaqay inay ka fogaadaan wax kasta, oo ay ku jiraan burburinta hantida rayidka iyo kaabeyaasha, kuwaas oo khatar ku ah in la joojiyo dagaalka Israel iyo Xisbullah.
"Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay ka fogaadaan fal kasta, oo ay ku jiraan burburinta hantida rayidka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, taasoo khatar gelin karta joojinta dagaalka." Ayaa lagu yiri qoraalka UNIFIL.
Israel iyo Xisbullah ayaa 27-kii bishii November ku heshiiyay xabad joojin soconeysa 60 maalmood, oo haddii aan la carqaladeyn ay xabad joojintu sidaasi ku soconeyso.
Militariga Israel ayaan si dhakhsa ah uga jawaabin eedeyntan uga timid Ciidanka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey ee degan dhulka xuduudda ee labada dal.
Xoogaga UNIFIL oo ka hawlgala koonfurta Lubnaan ayuu waajib ka saaran yahay xaqiijinta iyo dhaqangelinta ee heshiiska nabadda labada dal ee soo bilowday, wixii ka dambeeyay dagaalkii Xisbullah iyo Israel dhex maray sanadkii 2006.
Taliska Hawlgalka UNIFIL ayaa xaaladaha ay ciidamadoodu la kulmaan uga warbixiya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, si loo aqoonsado cidda wiiqeysa nabadda labada dal.