Urur uu fadhigiisu yahay Israel oo ka horyimid deegaameynta cusub ee Daanta Galbeed

Ururka u dhaqdhaqaaqa xornimada Israel ee Peace Now ayaa ka horyimid warka ka soo yeeray Maamulka Israel ee lagu sheegay in 22 goobood oo cusub oo deegaameyn ah laga sameynayo Daanta Galbeed ee la haysto.

Ururkan oo fadhigiisu yahay Israel ayaa tani ku tilmaamay tallaabadii ugu weyneyd ee noocaan ah oo la qaado, tan iyo sanadkii 1993-kii.

Ururkan ayaa u ololeya in la helo xalka laba dal oo deris ah, nabadna ku wada nool, si loo soo afjaro colaadda muddada dheer u dhaxeyso Israel iyo Falastiiniyiinta.

Ururka ayaa ka digay in go’aankan uu saamayn doono muuqaalka Daanta Galbeed, isla-markaana uu sii dheereen doono gumeysiga Israel.

"Dowladdu waxay caddeynaysaa mar kale inay is xakameyn la'dahay, isla-markaana ay door bideyso inay sii haysato dhulka Falastiiniyiinta, intii ay ka shaqayn lahayd raadinta nabadda." Ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay Peace Now.

Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa Khamiistii sheegtay in la ogolaaday in deegaamayn cusub laga sameeyo 22 goobood oo Daanta Galbeed ah, iyadoo markaasi la dejinayo dadka Yahuudda.

Wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz ayaa sheegay in ballaarinta deegaameynta dadka Yahuudda ee dhulka la hayto ay ka hortageyo in la dhiso dowlad ay Falastiiniyiinta leeyihiin, taasoo sida uu sheegay khatar amni ku keeni doonto Israel.

Bezalel Smotrich, Wasiirka Maaliyadda ayaa isna sheegay in la ansixiyay in 22 deegaan oo cusub ay Yuhuuddu ka sameystaan dhulka la haysto ee Daanta Galbeed.

Dhanka kale Peace Now ayaa ka digtay in tallaabadan ay sii xumeynayso xiriirka Israel iyo xulafadeeda dibadda, gaar ahaan reer galbeedka.

Ururada maxaliga ah ee Israel ayaa sheegaya in tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza ay Ciidamada Israel kordhiyeen burburinta guryaha Falastiiniyiinta ee dhulka la haysto, taasna ay qoysas badan oo Falastiiniyiin ah ku khasabtay inay meel bannaan ku soo dhacaan, haddii guryahoodii la xoogay.

Beesha Caalamka ayaa deegaameynta ceynkani oo kale ah u tixgelisa mid sharci darro ah, iyadoo la raacayo xeerarka caalamiga ah ee ay dunida ku dhisan tahay, balse Israel ayaa muddo dheer diidmo ka muujineysay arrintaasi, waxayna dib u dejin ballaaran ka sameysay dhulkii ay xoogga uga qabsatay Falastiiniyiinta.

Israel ayaa Daanta Galbeed ku qabsatay dagaalkii lixda maalmood socday ee ay Carabta la gashay sanadkii 1967-kii, waxaana la sheegaa in illaa shan boqol oo kun (500,000) oo Israeliyiin ah ay dejisay in ka badan boqol goobood oo ku yaala dhulkaasi la haysto oo deegaameyn ay uga sameysay.

Daanta Galbeed ayaa waxaa ku nool saddex milyan oo Falastiiniyiin ah, kuwaas oo cadaadis joogta ah kala kulmaya Militariga Israel ee maamula Daanta Galbeed.

Ballaarintan cusub ayaa waxay sii xadidi doontaa dhaqdhaqaaqii iyo isu socodkii Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed, waxaana laga digayaa mustaqbalka mid aan suurtagal ahayn in deegaan illaa deegaan kale ay isugu tallaabaan, iyadoo haddaba ay baaritaano adag ku marayaan kontoroolada faraha badan ay Ciidamada Israel ku dhex leeyihiin Daanta Galbeed.

Dunida ayaa waxaa cad inay si adag u diidi doonto tallaabada ay Israel ku sharciyeynayso deegaameynteeda cusub ee Daanta Galbeed.