Ururka Xamaas oo sheegay inay ku qanacsan yihiin niyad wanaagga Trump

Ururka Xamaas ee Falastiin ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin niyad wanaagga uu Madaxweyne Donald Trump u hayo in la soo afjaro dagaalka Marinka Gaza, ka gadaal markii maqribkii ay sii daayeen maxbuus Israeli American ahaa, oo wax ka badan sanad iyo bar lagu haystay gudaha Gaza.
Mareykanka iyo Xamaas ayaa xalay ku heshiiyay in la sii daayo askariga lagu magacaabo Edan Alexander, si loo furo waddooyinka Marinka Gaza, gargaarkana loo gaarsiiyo dadka reer Gaza, ka dibna la bilaabo wada hadalo lagu soo afjarayo colaadda Gaza.
Waa heshiiskii ugu horreyay oo noociisa ah oo Mareykanka uu la galo Ururka Xamaas, oo muddo dheer uu u tixgelinayay urur argagixiso, isagoo ka tanaasulaya mowqifkiisii hore, si loo bilaabo dadaalo lagu sii deynayo maxaabiista ay kooxaha iska caabinta Falastiiniyiinta ku haystaan Marinka Gaza.
Ururka reer Falastiin ayaa sheegay in la sii daayay muwaadinka Mareykanka, ka dib xiriirka ay la bilaabeen Dowladda Mareykanka.
"Tallaabadan ayaa timid, ka dib xiriiro muhiim ah oo Xamaas ay ku muujisay wanaag iyo dabacsanaan sare." Ayay Xamaas ku sheegtay war ay soo saartay, iyadoo dhinaca kalena sheegtay in ay ku qanacsan yihiin niyad wanaagga uu Maamulka Donald Trump u hayo in gaaro heshiis lagu soo afjarayo dagaalka lagu hoobtay.
"Tani waxay qayb ka tahay dadaalada ay wadaan dhexdhexaadiyeyaasha, si loo gaaro xabad joojin, iyadoo bilowgaba la furayo isgoysyada iyo in la ogolaado in gargaarka la gaarsiiyo dadkeenna ku sugan Marinka Gaza." Ayaa lagu yiri warka.
Xamaas ayaa Mareykanka ku boorisay in si dhakhsa ah loo joojiyo weerarada naxariis darrada iyo beegsiga ay Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ku hayso carruurta, haweenka iyo shacabka aan is difaaci karin ee ku nool Gaza.
Warbaahinta ayaa ogaatay in dowladda uu Madaxweyne Trump hoggaamiyo ay sameysay ballanqaadyo dhowr ah, oo ay ugu horreyso la joojiyo dhiigga dadka rayidka ah ee ku daadanaya Marinka Gaza.
Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa doonaya in sii deynta askariga 21 jirka ah ee lagu magacaabo Edan Alexander uu bilow u noqdo in xal laga gaaro dagaalka 19-ka bilood ka socdo Marinka Gaza.
Sii deynta askarigan ayaa dhalisay rajada ah in la sii deyn doono maxaabiista kale ee weli ku harsan gacanta iska caabinta Falastiin.
Alexander ayaa waxa uu noqonaya maxbuuskii ugu horreyay oo la sii daayo, tan iyo markii Israel ay 18-kii bishii March jebisay heshiiskii xabad joojinta ee ay Xamaas la gaartay.
Labada dhinac ayaa 15-kii bishii Janaury gaaray heshiis xabad joojin oo saddex weji ka kooban, kaas oo 19-kii bishii January ka dhaqangalay guud ahaanba Marinka Gaza. Wejiga koowaad ee heshiiska oo soconayay lix toddobaad ayaa ku ekaa 1-dii bishii March, waxaana uu heshiisku burburay, ka dib markii Israel ay ka biyo diiday in loo gudbo wejiga labaad, taas oo Xamaas ay si weyn ugu dhalleeceysay Israel.
Israel ayaa isku dayday in ay Xamaas ku khasabto in ay ogolaato in la dheereeyo muddada wejiga koowaad ee xabad joojinta, si loo sii wado maxaabiistii ay labada dhinac is dhaafsanayeen, ha yeeshee ay Xamaas ganafka ku dhufatay.
Marxaladda labaad ee heshiiska ayaa ogolaanayay in Israel ay ciidamadeeda kala baxdo qaybaha Marinka Gaza oo dhan, waana sababta Tel Aviv ay u diiday is fahamkii hore ee la gaaray.