Volker Türk: Waqooyiga Gaza waxaa ka socdo hawlgal lagu sifeynayo Falastiiniyiinta

Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Türk ayaa Ciidamada Israel ku eedeeyay in ay waqooyiga Marinka Gaza ka wadaan hawlgal ay kaga sifeynayaan shacabka Falastiin.

Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ayaa sheegay in dhaqamada Israel ee waqooyiga Marinka Gaza ay yihiin dembiyo xunxun oo ka dhan ah bani'aadantinimada.

Volker Türk ayaa xaaladda dhulkaasi ka jirta ku qeexay waqtigii ugu madoobaa ee muddada uu socdo dagaalka Gaza.

"Markii horeba waxaa la soo wariyay in in ka badan 150,000 oo qof ay dhinteen, ku dhaawacmeen amaba la la'yahay, tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza, sanad ka hor." Ayuu yiri Volker Türk.

Waxa kaloo uu yiri "Si aan la qiyaasi karin ayay xaaladda uga sii dareysaa maalinba maalinta ka dambeysa. Cabsida ugu weyn ayaa ah, marka la eego xoojinta, ballaarinta, miisaanka iyo dabeecadda qaawan ee hawlgalka Israel ee hadda ka socdo waqooyiga Gaza, tiradaas ayaa si aad ah kor ugu kici doonta."

Sarkaalka ugu sarreya Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobey ayaa tilmaamay in siyaasadda Israel ee ka dhanka ah waqooyiga Marinka Gaza ay abuureyso in Falastiiniyiinta laga waayo halkaasi.

Volker Türk ayaa ka digay qorshaha Israel ay ku wajaheyso dadka rayidka ah ee halkaasi ku nool ee leh dilka, gaajeysiinta iyo barakacinta khasabka ah, isagoona hoggaamiyeyaasha caalamka ugu baaqay in wax laga qabto dembiyada ka dhanka ah qiyamka aasaasiga ah ee aadanaha.

"Duqaymaha waqooyiga Gaza waa mid aan kala joogsi lahayn." Ayuu yiri Türk oo intaa raaciyay "Militariga Israel waxay amar ku bixiyeen boqolaal kun oo qof inay guuraan, iyadoo aysan jirin wax damaanad ah oo ay ku soo laabanayaan."

Mr. Türk ayaa xusay inaysan jirin meelo ammaan ah oo dadku ay uga soo bixi karaan waqooyiga Marinka Gaza, isla-markaana ay Ciidamada Israel xirxirayaan dadka qaarkood, kuwana ay tooganayaan.

Bayaan uu soo saaray ayuu ku sheegay in dowladuhu uu waajib ka saaran yahay sida uu dhigayo Axdiga Geneva inay xaqiijiyaan, ilaaliyaan, isla-markaana ay ixtiraamaan sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada.

"Waxaan idinka codsanayaa inaad wax walba ka hormarisaan ilaalinta rayidka iyo xuquuqda aadanaha, oo aydaan ka tagin waxa ugu yar ee bani'aadantinimada." Ayuu yiri Türk, isaga oo daba jooga dembiyada dagaal ee kordhaya ee Israel ka waddo Marinka Gaza.

Israel ayaa shuruucda caalamiga ah ee bani'aadantinimada iyo kan dagaalka ka dhigtay wax aan shaqeyneyn, marka aad fiiriso inaysan dowladaha saamaynta leh kula xisaabtameynin amaba aysan cadaadis ku saareyn inay joojiso ciqaab wadareedyadeeda aan dhammaadka lahayn ee ka dhanka ah shacabka aan waxba galabsan.