Wada hadal toos ah oo Mareykanka iyo Iran oo uga bilowday Islamabad
Wada hadalada ayaa markii hore ku bilowday si aan toos ahayn, inkastoo markii dambe ay Saraakiisha Pakistan ku guuleysteen in ay si fool ka fool ah u wada hadashiiyaan ergada labada dal. Saraakiisha Pakistan ayaa wufuudda ku wehlinaya qolka wada-xaajoodka.
Raysal Wasaare Shehbaz Sharif ayaa Sabtidan siyaabooyin kala duwan Magaalada Islamabad ugu la kulmay wufuudda Mareykanka iyo Iran ku metelaya wada hadalada, ka dib markii Iran ay furitaanka wada hadalka ka hor dalbatay in Mareykanku uu fuliyo qodobada ka harsan waxyaabihii lagu heshiiyay wejiga koowaad ee heshiiska xabad joojinta ee Talaadadii la gaaray, oo ay ugu muhiimsan tahay in la joojiyo dagaalka Lubnaan.
Warbaahinta Iran iyo Mareykanka ayaa labaduba sheegay in wada hadal nabadeed uu ka bilowday Islamabad, iyadoo aan la aqoon waxa lagu qanciyay Iran, bacdamaa aysan weli Israel joojin weeraradeeda ka dhanka ah dalkaasi Lubnaan, walow Iran uu qudheedu u xiran yahay Marinka Hormuz.
Wafdiga Iran ku metelaya wada-xaajoodka Islamabad ayaa waxaa hoggaaminaya Gudoomiyaha Baarlamaanka, Mohammad Bagher Ghalibaf, halka Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka, JD Vance uu hoggaaminayo xubnaha uu soo diray Madaxweyne Donald Trump.
Wada hadalkan ayay diblomaasiyiinta qaarkood hoos u dhigayaan in horumar laga sameeyo qodobo xasaasi ah oo miiska saaran, walow Madaxda Pakistan aysan si fudud ku ogolaan doonin in uu fashilmo.
Iraaniyiinta oo kale ayaa ku gorgortamaya in la fasaxo hantidooda ku xaniban dibadda, in la ixtiraamo xuquuqda Tehran ee gobolka, inaanan laga hadli karin taageeradeeda ururada wax iska caabinta ee Yemen, Lubnaan iyo Ciraaq, in Mareykanka & Israel ay bixiyaan lacagihii dalka dib loogu dhisi lahaa iyo in barnaamijkeeda nuclear-ka loo aqoonsado mid nabadeed, waxaana intaasi dheer inaysan ka tagi doonin in Israel ay joojiso dagaalka Lubnaan iyo in ay ciidamadeeda kala baxdo meelaha ay kaga sugan yihiin deegaanada koonfureed ee xuduudda Lubnaan.
Mareykanka ayaa waxa uu dhankiisu ku gorgortamayaa inay Iran ka tanaasusho sameysashada nooc kasta oo nuclear ah, inaysan wax hub ahi siin karin dhidibka iska caabinta ee gobolka iyo in ay si buuxda u soo celiso xorriyadda socdaalka maraakiibta ee Hormuz.
Haddii wada hadalada Islamabad ay guuldareystaan ayaa sii hurin kara khatarta dagaal kale oo Mareykanka iyo Iran ku dhex mara Bariga Dhexe.
Tehran iyo Washington ayaa waxay u baahan yihiin, si dagaal cusub looga baaqsado in ay heshiis ka gaaraan, waxa asalka u ah xiisadda labada dal, inta ay shaqeynayso xabad joojinta labada toddobaad ah.
Raysal Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif ayaa ku dadaali doona, sidii ay dhinacyadu uga faa'iideysan lahaayeen fursadda uu dalkiisu ku dhexdhexaadinayo.




