Wada hadalada xabad joojinta Gaza oo ka socda dalka Talyaaniga

Wada hadalada xabad joojinta Gaza iyo maxaabiis is dhaafsiga ee Israel iyo Xamaas ayaa galabta ka furmay Magaalada Rome ee dalkaasi Talyaaniga.

Wafdiga Israel ku metelaya wada hadalada oo uu horkacayo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Israel ee Mossad, David Barnea ayaa mar sii horreysay gaaray dalkaasi.

Agaasimaha Hay'adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA, William Burns ayaa kulan la leh dhiggiisa Israel, Masar iyo Raysal Wasaaraha Qatar.

Dhinacyadan ayaa la sheegaya in ay ka wada hadlayaan hindisaha Madaxweyne Joe Biden ee xabad joojinta Gaza iyo sii deynta la haysteyaasha.

Inkastoo Xamaas aysan cidina ku meteleynin wada hadaladan, haddana Dowladaha Qatar iyo Masar ayaa la sheegay inay miiska wada hadalka uga wakiil yihiin, waxa ay ku gorgortameyso, maadaama aysan horfariisan karin ergada wada hadalada, haddii Mareykanka iyo Israel ay u aqoonsan yihiin urur argagixiso.

Masar iyo Qatar ayaa dhexdhexaadinaya wada hadalada labada dhinac oo Mareykankuna uu taageerayo.

Doha iyo Qaahira ayaa garwadeen ka ahaa wada hadalada nabadda ee Xamaas iyo Israel, tan iyo intii ay colaaddan dib uga soo cusboonaatay Bariga Dhexe.

Dad badani ayaa ka raja qaba in wada hadaladu ay markan guuleystaan, walow ay jiraan calaamado muujinaya in Israel ay mar kale carqaladeyn karto dadaalada caalamiga ah ee xalka loogu raadinayo dagaalka lagu hoobtay ee Marinka Gaza.

Waa marka hore'e Israel oo la sheegay inay wax ka bedel ku sameysay qodobadii ay horaantii bishan soo gudbisay ee ay dooneysay in wada hadalada lagu saleeyo, iyadoo diidaneyd in ciidamadeeda ay ka saarto Marinka Gaza. Inkastoo aan la shaacin qodobada ay haatan cusbooneysiinta ku sameysay ee heshiiska, haddana dalabaadkeeda ayay Sabtidii u gudbisay Washington. Tani ayaa waxaa la leeyahay waxay mar kale dhibaato ku noqon kartaa geeddiga nabadda.

Warbaahinta Israel ee KAN ayaa sheegtay in Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu uu sii adkeeyay mowqifkiisa.

Isku dayadii hore ee la sameeyay ayaa waxaa hareeyay is mari-waa horseeday inay wada hadaladu istaaggaan, sababtu tahay Tel Aviv oo hal tallaabo dib uga dageysay, mar kasta oo lagu dhawaado in heshiis la gaaro.

Sidoo kale Israel ayaa Sabtidii bilowday inay kordhiso duqaymaha ay ka gaysaneyso Marinka Gaza, iyadoona bartilmaameedsaneysa goobaha ay dadka barakacyaasha ku badan yihiin iyo weliba kaabeyaasha kale ee rayidka.

Barakac ballaaran ayaa Axaddan laga soo sheegaya koonfurta deegaanka Khan Yunis ee koonfurta Marinka Gaza, ka dib markii Taliska Militariga Israel uu Sabtidii soo saaray awaamiir ku aaddan in dadku ay halkaasi ka guuraan.

Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell ayaa sheegay in mar kale dad aad u jilicsan lagu khasbay inay barakacaan, isagoona barakacinta Israel ee dadka rayidka ah ku sheegay mid aan dhammaad lahayn.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay Ciidamada Israel dileen 66 qof oo shacab ah, 241 kalena ay dhaawaceen.

Xamaas waxay sheegtay in Israel ay sharci ka dhigatay inay mar walba ku xadgudubto shuruucda caalamiga ah ee bani'aadantinimada iyo kan dagaalka, iyadoona bulshada caalamka ku boorisay inay qaadaan tallaabooyin lagu la xisaaabtamayo maamulkaasi.

Tirada dadka rayidka ah ee lagu dilay Marinka Gaza, tan iyo markii uu dagaalku bilowday ayaa lagu sheegay 39,324 qof, halka tirada dadka dhaawaca ahna ay Wasaaradda Caafimaadka Gaza ku sheegtay 90,830 qof.