Wafdi ka socda IGAD oo booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay wafdi ka socda Urur Goboleedka IGAD.
Wafdigan oo uu hoggaaminayay Xoghayaha Guud ee Urur Goboleedka IGAD, Workneh Gebeyehu ayaa kulan la qaatay masuuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo xubno kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka.
Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda oo geba-gabadii kulanka shir jaraa'id ku qabtay Caasimadda Muqdisho ayaa marka hore sheegay in wafdiga ay magaalada ku yimaadeen martiqaad ay u fidisay Dowladda Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa sheegay in wafdiga ay ka wada hadleen arrimaha Geeska Afrika ee dhinacyada amniga, siyaasadda, bulshada, iskaashiga gobolka iyo weliba xiisadda Somaliya kala dhaxeysa Itoobiya.
"Waxaan ku soo qaadnay arrinta kale ee naga dhex taagan annaga iyo dowladda aan deriska nahay, oo IGAD ay door fiican ka qaadatay, billihii ugu horreyayba inay caddeysay halka ay ka taagan tahay, haddana ay iyadii masuuliyadi ka saaran tahay, maadaama urur ay labada dalba ay ka wada tirsan yihiin ay tahay urur waxyaabo badan soo xaliyay in haddana ay doorkooda ay qaataan. Runtii aad iyo aad baan uga mahadcelinaya Dr-ka iyo wafdigiisaba." Ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirka ayaa yiri "IGAD qayb weyn bay ka ciyaartay Somaliya dowlad dhiskeedii, haddana waxaan rajeynaynaa waxyaabaha gobolka ka taagan inay doorkeedii ka ciyaarto."
Dhanka kale labada dhinac ayaa isku afgartay, sidii Somaliya ay xubin firfircoon uga noqon lahayd IGAD iyo inay qayb ka noqoto dalalka lagu qabto shirarka IGAD. IGAD ayaana Somaliya ka hirgelineysa xarun Dhaqaalaha Buluugga ah oo iyada raacsan, iyadoo looga faa'iideynayo shacabka Soomaaliyeed iyo gobolkaba.
Maadaama ay Somaliya leedahay xeebta ugu dheer ee Qaaradda Afrika ayaa la doonaya in Somaliya ay hoggaamiso Maareynta Khayraadka Badda ee waara iyo welibana hal abuurka Dhaqaalaha Buluugga.
IGAD ayaa u dooratay Somaliya in laga sameeyo xaruntii ugu horreysay oo Dhaqaalaha Buluugga ay ku yeelato dalka, si xaruntan ay u noqoto il dhaqaale oo bulshada Geeska Afrika ay leeyihiin.
"Waxaan kaloo ku heshiinay in Somaliya ay qayb weyn ka qaadato shaqooyinka iyo howlaha ay IGAD qabato, sida dowladaha kale in halkan iyagana qaybtooda lagu qabto oo shirarka IGAD ay Somaliya ku soo darto." Ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Tani ayaa ku soo aadaysa, xilli xiisadda Somaliya iyo Itoobiya aad mooddo inay ka sii dareyso. Xiisadda labada dal ayaa ka dhalatay heshiiskii is afgaradka badda ee ay Itoobiya la gaartay Somaliland.