Walaac xoogan oo laga muujiyay masiibada ka jirta Magaalada Gaza

Dunida ayaa waxay weli ka qaylo dhaamineysaa xaaladda bani'aadantinimo ee ka jirta Marinka Gaza, gaar ahaan Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza, xilligan oo Israel ay ku hayso weerar ballaaran oo ay sheegtay inay ku qabsaneyso magaaladaasi.

Israel ayaa lagu eedeeyay in iyadoo markii hore diidaneyd in gargaar dadka ku filan in la geeyo magaaladaasi iyo guud ahaanba Marinka Gaza ay haddana taangiyadeeda ku soo qulqulayaan magaalada ku taala xuduudda waqooyi ee Marinka Gaza.

Qaramada Midoobey iyo Wakaaladda Wararka AP waxay xaqiijiyeen in Israel ay duulaankii ugu weynaa ku hayso magaaladaasi, xilli dadka rayidka ah ee sida khasab ah looga qaxinayo ay la noolaayeen macluusha ka dhalatay xanibaadaheeda kaalmada bani'aadantinimo.

Xafiiska Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada ee Qaramada Midoobey (OCHA) ayaa sheegay in masiibo dhab ah ay ka jirto Gaza oo idil.

Afhayeen u hadashay OCHA oo lagu magacaabo Olga Cherevko ayaa waxay sheegtay in ay aragtay Falastiiniyiintii deganaa magaalada oo qaarkood u barakacaya dhinaca koonfurta Marinka Gaza, xilli sida ay sheegtay Ciidamada Israel ay maalintii saddexaad wadaan hawlgal ay isugu fidinayaan magaaladaasi.

Olga Cherevko ayaa muuqaal ay soo duubtay oo barraha bulshada yaala ku sheegtay in dhowr boqol oo kun oo dad rayid ah ay weli ku harsan yihiin magaaladaasi, isla-markaana ay magaaladu ka jirto masiibo bani'aadantinimo oo ka baxsan dhammaan qiyaasaha ama halbeeg kasta oo wax lagu cabiro.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa walaac xoogan ka muujiyay masiibada bani'aadantinimo ee gacan ku sameyska ah ay Israel dooneyso in aan waxba laga qaban.

Volker Türk, Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey ayaa Israel ku eedeeyay in ay ciqaab wadareed ku hayso Falastiiniyiinta Gaza, isagoona ugu yeeray in ay joojiso, isla-markaana ay u hoggaansanto sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada.

Hay’adda Qaramada Midoobey U Qaabilsan Gargaarka & Arrimaha Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA) ayaa waxay sheegtay in gargaarka uu ku qurmayo bannaanada Marinka Gaza, xilli dadku ay gaajo daran kula nool yihiin gudaha Gaza, qaarkoodna ay u dhinteen, kuwo kalena ay halis ugu jiraan in sidaasi oo kale ay u dhintaan.

Iyadoo dunida oo dhan ay ka qaylo dhaamineyso in ay dadku gaajo ugu dhimanayaan gudaha Gaza ayaa waxaa la yaab leh in Israel ay been cad ku sheegtay inay macluul ka jirto dhulka ay go'doomisay.

Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ayaa waxay sheegtay in ay horey u ogolaatay in gargaar ku filan la geliyo Marinka Gaza, sidaasi daraadeedna haba yaraatee aanay wax gaajo ahi ka jirin dhulka ay colaadda ku baahisay.

Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa bishii May sheegay in gargaarka ay leexsato Xamaas, warkaas oo Qaramada Midoobey ay ku tilmaamtay been abuur ay sameysay Tel Aviv.

Dhacdooyinka argagaxa leh ee ay Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza ayaa kiciyay mudaaharaadyo ka dhacay inta badan dunida, oo ay ku jiraan magaalooyin badan oo Yurub ah, Amsterdam illaa Barcelona.