Wararkii ugu dambeeyay dagaalka ka socda agagaarka Isbitaalka Al-Shifa ee Gaza

Wararka ka imaanaya Marinka Gaza ayaa sheegaya in weli uu dagaal culus ka socdo agagaarka Isbitaalka Al-Shifa ee waqooyiga Gaza.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay, ka dib markii Ciidamada Israel ay Isniintii weerareen isbitaalkan, oo ah kan ugu weyn ee ku yaala Marinka Gaza.

Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in weerarkooda isbitaalka uu ka dambeeyay, ka gadaal markii ay ogaadeen inay ku sugan yihiin xubno ka tirsan dagaal-yahanada Xamaas.

Kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta oo weerarkaasi u fasirtay mid mar kale lagu barakacinayo qoysaska barakacayaasha ee gabaadka ka dhiganaya, bukaanada iyo shaqaalaha caafimaadka ayaa soo dul degay Ciidamada Israel oo ku sugan gudaha iyo dibadda ee isbitaalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac uu dagaal culus ku dhex marayo waddooyinka soo gala isbitaalka iyo weliba xaafadaha ku dhow dhow.

Dadka rayidka ah ee ku harsan aagga isbitaalka ayaa sheegay in dagaalku uu yahay mid aad u culus, diyaaradaha dagaalka Israel-na ay garaacayaan dhismayaasha halkaasi ku yaala.

Goobjoogeyaasha ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamadii Israel ee isbitaalka soo weeraray oo wata taangiyadooda dagaalka ay xitaa burburinayaan dhismayaasha.

Taliska Militariga Israel ayaa Khamiistii sheegay in dagaalka ay ku dileen in ka badan 140 ka tirsan dagaal-yahanada Xamaas, sidoo kalena ay gacanta ku soo dhigeen 600 oo Falastiiniyiin ah, oo sida ay sheegeen ay la xiriirinayaan kooxaha argagixisada.

"Hub iyo dokumenti sirdoon ayaa laga helay isbitaalka." Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo uu soo saaray Taliska Militariga Israel.

Agaasimaha Xafiiska Warbaahinta ee Maamulka Gaza, Ismail Al-Thawabta ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashada Israel, ee ah in ay dileen dagaal-yahano ka tirsan kooxaha wax iska caabinta.

Agaasimaha ayaa tilmaamay in dhammaan dadka la dilay ay ahaayeen bukaano iyo dadka kale ee ku soo barakacay isbitaalkaasi.

Al-Thawabta ayaa Militariga Israel ku eedeeyay inay caadeysteen faafinta wararka been abuurka ah, taasoo qayb ka ah buu yiri caddeynta dembiyadooda joogtada ah iyo kuwa shuruucda caalamiga ah jebinaya, kuwaas oo xadgudub ku ah sida uu yiri sharciga caalamiga ah ee bani'aadantinimada.

Afhayeenka Militariga Israel, Daniel Hagari ayaa sheegay illaa iyo hadda inaanay jirin wax rayid ah oo ciidamadooda ay dileen.

Hoggaamiyaha Ururka Xamaas, Ismail Haniyeh ayaa weerarka Israel ee isbitaalka ku sheegay isku day lagu wiiqayo dadaalada wada hadalada ee Doha.

Taliyaha Ciidamada Israel, General Herzi Halevi oo Khamiistii hadlayay ayaa sheegay in hawlgalka Isbitaalka Al-Shifa uu aad muhiim ugu yahay in lagu cadaadiyo Xamaas, si shuruud la'aan ay miiska wada hadalka ugu soo laabato.

Isbitaalkan ayaa hadda hoy u ahaa in ka badan 7,000 oo qof, oo isugu jira bukaano iyo dad barakacayaal ah, waana mid ka mid ah xarumaha daryeelka caafimaadka ee qayb ahaan ka shaqeeya waqooyiga Gaza.

Ciidamada Israel ayaa bishii November weeraray isbitaalkaasi, markaas oo ay sheegeen in Xamaas ay ku leedahay saldhig dhulka hoostiisa ah, iyadoona Xamaas ay si adag u beenisay. 

Militariga Israel ayaan xilligaasi soo bandhigin wax caddeymo ah, iyadoona weerarku uu dhaliyay qaylo dhaan caalami ah.

Waa dagaalkii ugu qaraaraa ee haatan qabsada Ciidamada Israel, tan iyo intii ay weerarada ku hayeen goobaha caafimaadka ee Gaza.