Wararkii ugu dambeeyay duqaymaha Israel ay ku hayso dalka Lubnaan

Duqaymaha aan kala joogsi lahayn ee Israel ka waddo dalka Lubnaan ayaa galay toddobaadkii labaad, iyadoo Israel ay ku hanjabtay inay sii wadi doonto bartilmaameedyada ka dhanka ah Ururka Xisbullah.

Raysal Wasaaraha Lubnaan, Najib Mikati ayaa cambaareeyay kororka duqaymaha baahsan ee Israel, isagoona sheegay in Israel ay xeerarka caalamiga ah ka dhigtay wax aan shaqeyneyn.

Weerarada xagga cirka Israel ee aan loo meel dayin ayaa baqdin xoog leh ku haya shacabka Lubnaan, kuwaa oo qoysas fara-badan ku khasbay in ay guryahooda ka cararaan.

Duqaymuhu waxay sababeen dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo rayid ah, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan.

Wasaaraddu waxay sheegtay in la diiwaan geliyay dhimashada in ka badan kun qof oo rayid ah iyo dhaawaca lix kun oo kale.

Dowladda Lubnaan ayaa sheegtay in illaa hal milyan oo qof ay duqaymaha Israel ku cadaadiyeen inay guryahooda ka barakacaan.

Najib Mikati, Raysal Wasaaraha Lubnaan ayaa maanta sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay in Ciidamada Lubnaan la geeyo xadka Lubnaan, si buu yiri ay u difaacaan aagga xadka, haddii loo baahdo.

Raysal Wasaare Mikati ayaa Israel ku eedeeyay in dalkiisa ay ka abuurtay xaalad aan horey loo arag, waxaana uu ka digay kororka weerarada Israel.

Raysal Wasaaraha ayaa ku nuuxnuuxsaday in ka badan hal milyan oo qof oo reer Lubnaan ah lagu riixay in ay guryo la'aan noqdaan.

Waxa kaloo uu sheegay in dhaqdhaqaaqa barakaca ee dalkiisa ka socdo laga yaabo in uu noqdo kii ugu weynaa ee gobolka.

"Mowjadaha duqaymaha cirka ah ayaa dadka ku khasbay in ay ka cararaan Beirut iyo qaybo ka mid ah koonfurta Lubnaan, oo ay ku jiraan deegaanada xadka koonfurta." Ayuu yiri Raysal Wasaare Mikati.

Masuuliyiinta Israel ayaa ku hanjabaya in ciidamadu ay duulaan dhinaca dhulka ah ku qaadi doonaan koonfurta dalkaasi, si Ururka Xisbullah looga fogeeyo deegaanada xuduudda ee labada dal.

Ciidamada Dowladda Lubnaan ayaan ka hawlgalin deegaanada koonfurta, waana sababta uu Raysal Wasaaruhu u leeyahay in Ciidamada Qaranka ay difaaci doonaan deegaanada xuduudda, haddii loo baahdo.

Ururka Xisbullah ayaa muddo dheer ka arriminayay koonfurta Lubnaan, oo ay ku jiraan deegaanada dalkaasi ee xadka la leh waqooyiga Israel.