Wararkii ugu dambeeyay duulaanka ay Israel ku hayso Magaalada Gaza
Israel ayaa waxay ciidamadeeda ballaariyeen gulufka dagaal ay ka wadaan Magaalada Gaza ee ku taala waqooyiga Marinka Gaza, iyagoona sheegay in uu bilowday hawlgalkii lagu wiiqayay awoodda militari ee Ururka Xamaas.
Militariga Israel ayaa shalay galab ku dhawaaqay in uu bilowday wejiga xiga ee hawlgalka dhinaca dhulka, ka dib duqaymo is daba joog ah oo toddobaadyo ay ka gaysanayeen magaaladaasi.
Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu iyo Wasiirada xagjirka ah ee xisbiyada midigta fog ee isbahaysiga la ah dowladdiisa ayaa riixaya in si buuxda loola wareego magaalada ugu weyn ee Marinka Gaza, iyadoo markaasi la qarameynayo.
Falastiiniyiinta ku sugan Magaalada Gaza ayaa waxay sheegeen in diyaaradaha dagaalka Israel ay si ba'an u burburinayaan dhismayaasha ku yaala magaaladaasi, isla-markaana ay Israel magaaladooda ka dhigeyso mid aan lagu noolaan karin.
Militariga Israel ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ay meesha ka saarayaan, waxa ay ku sheegeen kaabeyaasha argagixisada ee Xamaas.
Duulaankan cusub oo galaafanaya nolosha dad hor leh ayaa qoysas fara-badan ku khasbay in ay ka baxaan magaaladaasi, isla-markaana ay aadaan dhinaca koonfurta Marinka Gaza. Boqolaal kun oo qof oo ku harsan magaalada ayaa waxay qaarkood isaga guuranayaan guryahooda iyo teendhooyinkii ay qoysaska barakacayaasha gabaadsanayeen, si halkaasi loogu ilaaliyo.
Tobanaan qof oo ay ku jiraan hooyooyin iyo carruur ayaa ku dhintay weeraradii ugu dambeeyay ay Israel xalay illaa saaka ay ka gaysatay magaaladaasi.
Maamulka Isbitaalka Al Shifa ayaa waxay sheegeen in la soo gaarsiiyay meydadka dad rayid ah, oo ku dhintay duqaymo ay Israel ku beegsatay goobihii ay dadkaasi deganaayeen.
Dhanka kale dagaalo culus ayaa la sheegaya in ay ka socdaan xaafadaha galbeedka iyo waqooyiga ee Magaalada Gaza, isla-markaana ay kooxaha iska caabinta Falastiiniyiinta isku dayayaan in ay dib u caabiyaan Ciidamada Israel.
Ciidamada Israel oo taageero ka helaya diyaaradahooda dagaalka ayaa la sheegay in ay sii xoojiyeen weerarkooda dhulka, ka dib markii Talaadadii shalay lagu jebiyay dhowr goobood oo ay kula dagaalameen xoogaga difaacaya magaalada.
Hawlgalkan ayaa sii hurinaya dhiilada colaadeed ee ka taagan Bariga Dhexe ee salka ku haysa weerarada Israel ay labada sano ku dhow ka waddo dhulka ay go'doomisay.
Madaxa Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, Volker Türk ayaa Israel ugu baaqay in ay joojiso xasuuqa uu ku eedeeyay in ay ka waddo Marinka Gaza.
Talaadadii, Guddiga Madaxabannaan ee Qaramada Midoobey U Qaabilsan Baaritaanada (COI) ayaa soo saaray natiijada warbixin xog uruurin ah oo muddo ay wadeen, iyagoona caddeeyay in Israel ay xasuuq ka gaysatay Gaza, welina ay ka sii waddo.
In ka badan 65 kun oo qof oo u badan carruur iyo haween ayaa ku dhintay weerarada Ciidamada Israel, muddada uu socdo dagaalkan, halka 165,312 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay warisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza.
Israel ma sheegin wax waqti ah oo lagu soo afjari karo dagaalkan, balse waxaa jira calaamado ah in uu qaadan karo billo.
Israel Katz, Wasiirka Difaaca Israel ayaa ku hanjabay inaysan joojin doonin dagaalka, iyadoo aan la xaqiijin dhammaan hadafyadii ay ugu duuleen Marinka Gaza iyo shuruudihii ugu dambeeyay ay Israel ka soo saartay in lagu joojin karo dagaalka Gaza.
Israel ayaa bilowgii saddex hadaf ugu duushay Gaza, kuwaas oo ay ku kala sheegtay dib u soo celinta maxaabiista, burburinta Xamaas iyo inaysan Gaza mustaqbalka khatar amni ku noqonin Israel.
Golaha Wasiirada Israel ayaana 8-dii bishii hore ee August ansixiyay shan mabda' oo sida ay sheegeen lagu soo afjari karo dagaalka, kuwaas oo kala ah in hub ka dhigis lagu sameeyo Xamaas, in ay wareejiso maamulkeeda Gaza, sii deynta dhammaan maxaabiista, in aan wax hub ahi lagu dhex haysan karin Marinka Gaza oo amnigeedana la hoos keeno Israel iyo in Gaza loo dhiso maamul aan ahayn Xamaas iyo midka Falastiiniyiinta ee fadhigiisu yahay Magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed ee la haysto.