Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha shacabka Israel ka soo gaaray weerarka Iran
Shacabka Israel ayaa xalay la kulmay habeenkii ugu dhiig daashada badnaa, ka dib weerarkii October 7-deedii ee sanadkii 2023 ay kooxaha iska caabinta Falastiiniyiinta ka gaysteen dhulka laga xoogay shacabka Falastiin, balse ay Tel Aviv ugu yeerto 'koonfurta Israel'.
Iran ayaa mowjado gantaaladeeda ballaastikada ah ku weerartay magaalooyinka waaweyn ee Israel, iyadoo xudunta weerarkeeduna uu ahaa Tel Aviv. Tehran ayaa sheegtay in weerarkan uu jawaab u yahay weerarkii ay Israel Jimcihii ka gaysatay dalka Iran, oo meelaha la bartilmaameedsadayna ay ku jiraan goobaha barnaamijkeeda nuclear-ka iyo weliba xarumaha militarigeeda.
Adeegga Gurmadka Degdegga Israel ee Magen David Adom (MDA) ayaa sheegay in laba qof ay dhinteen, 77 kalena ay ku dhaawacmeen weerarka ballaaran ee Iran, sida uu daabacay Wargeyska Jerusalem Post oo ka mid ah wargeysyada ugu afka dheer ee Israel.
Adeegga Ambalaasyada Israel ee MDA ayaa sheegay in 34 qof ay ku dhaawacmeen goob qura, ka dib markii uu gantaal ku dhacay deegaanka ay dadka ladani degan yihiin ee Gush Dan oo ku dhow Magaalada Tel Aviv.
Warbaahinta Israel ayaa warineysa in gantaalada Iran ay weli ku soo dhacayaan dhulka Israel, taasna ay xoojineyso cabsida laga qabo inuu kordho khasaaraha dadka rayidka ah.
Shaqaalaha Dab-demiska Israel ayaa saaka sheegay in ay ku howlan yihiin samatabixin laba qof oo ku hoos jira burburka dhisme ku yaala Tel Aviv, ka gadaal markii uu ku dhacay gantaal laga soo tuuray dalka Iran.
Iran ayaa 1-dii bishii October ee sanadkii 2024 sidaan oo kale gantaalo ugu harqisay Israel, markaas oo ay sheegtay in ay ka aargudaneysay dilkii Hoggaamiyihii Ururka Xamaas, Ismail Haniyeh ay Israel 31-kii bishii July ee sanadkaasi ugu gaysatay Caasimadda Tehran.
Taliska Militariga Israel ayaa ku celiyay farriinta ay shacabka ugu sheegayaan inaysan barraha bulshada ku soo bandhigin muuqaalada goobaha ay ku dhacaan gantaalada Iran.
"Cadowgu wuxuu la socdaa muuqaalada aad soo bandhigtaan, taasna waxay keenaysaa inuu ku dhiirado in weeraro kale uu gaysto. U dhaqma sida dad xilkas ah, hana ku soo bandhigina goobaha internet-ka ee la daalacdo." Ayuu Taliska Militariga ku sheegay qoraal uu kaga hadlayay arrintan.
Dhanka kale Israel ayaa waxay dhankeeda sii waddaa duqaymaha ay ka gaysaneyso bartilmaameedyada ku yaala dalkaasi Iran, iyadoona la sheegayo in waaberigii Sabtidan ay duqaysay Garoonka Diyaaradaha Mehrabad ee Magaalada Tehran.
Warbaahinta maxaliga ayaa tebineysa in qaraxyo laga maqlay meelo ka mid ah Caasimadda Tehran. Ma cadda khasaaraha ay gaysteen duqaymahaan ugu dambeeyay ee ay Israel ka gaysatay dalkaasi.
Safiirka Iran ee Qaramada Midoobey, Amir Saeid Iravani ayaa mar sii horreysay sheegay in diyaaradaha dagaalka Israel ay Jimcihii 78 qof ku dileen dalka Iran, in ka badan 320 kalena ay ku dhaawaceen.
"Illaa hadda, 78 qof oo ay ku jiraan saraakiil sare oo militari ah ayaa shahiiday, in ka badan 320 kalena waa ay dhaawacmeen. Inta badan dadkaas ayaa ah rayid, oo ay ku jiraan haween iyo carruur." Ayuu yiri Safiirka oo xalay khudbad ka jeediyay fadhigii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu ka yeeshay xiisadda Bariga Dhexe ee cirka isku shareertay.
Is dhaafsiga duqaymaha labada dhinac ayaa waxaa muuqato inuu galay maalintii labaad, waxayna tani calaamad u tahay, sida ay uga sii dareyso xiisadda labada dal.















