Wararkii ugu dambeeyay qarax ay dad badani ku dhinteen oo ka dhacay Beledweyne
Faah faahino ayaa ka soo baxaya qarax weyn oo duhurnimadii ka dhacay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Wararka ayaa sheegaya gaari nooca xamuulka oo lagu daba joogay inay ciidamada ku joojiyeen kontoroolka Horseed oo ku yaala dhanka bari ee magaalada. Kontoroolkan oo lagu canshuuro gaadiidka ayaa ku yaala agagaarka Buundada Nuur Xawaad.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in wa xoogaa ay wada murmayn ciidamada iyo darawalkii gaarigaasi waday, ka hor inta aanu goobtaasi isku qarxin.
Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ku hareereysan xaafado ay dad rayid ah degan yihiin, taas oo sare u qaadday khasaaraha nafeed ee qaraxaasi uu gaystay.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow) oo galabta gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in laamaha amnigu ay hayeen xogta gaariga, isla-markaana uu ku qarxay kontoroolkaasi, xilli sida uu sheegay ay daba taagnaayeen Ciidamada Militariga.
Gudoomiyaha ayaa sheegay inay jirto dhimasho iyo dhaawac badan oo qaraxaasi uu gaystay, sidoo kalena ay jiraan guryo badan oo ku burburay.
"Masiibaa halkan ka dhacday, xaafaddii Buundo 1aad iyo Horseed wax ku haray oo dad ama deegaan ah ma jiraan, sidaas ayay u burburtay. Nimankan Khawaarijta ah dhibaatadaas ayay maanta u gaysteen Magaalada Beledweyne, masiibadana indhihiinaa ku aragtaan." Ayuu yiri Gudoomiyuhu.
Gudoomiyuhu oo goobtaasi kula hadlay Warbaahinta ayaan sheegin tirada dadka ku dhintay qaraxaasi iyo kuwo kale ee ku dhaawacmay.
Cumar Cismaan Calasow, Gudoomiyaha Degmada Beledweyne ayaa sheegay in magaalada lagu soo weeraray gaari weyn, oo sida uu sheegay lagu soo raray walxaha qarxa.
"Wuxuu iska dhigay gaari xamuul sida, si la mid ah gawaarida caadiga ah ee xamuulka ee waddada isticmaalo. Kontoroolkan waxaa lagu canshuuraa gaadiidka, canshuurtii ayuuna diiday inuu bixiyo, sida warka igu soo gaaray, ka dibna gaariga waa is qarxiyay." Ayuu yiri Gudoomiyaha.
Waxa kaloo uu yiri "Wuxuu is qarxiyay markii ay waddada soo galeen laba baabuur oo ciidan ah iyo baabuur kaloo waddada isticmaaleysay."
In ka badan labaatan qof ayaa la xaqiijiyay in qaraxaasi ku dhinteen tiro kalena ay ku dhaawacantay. Dhaawacyo fara-badan ayaa la geeyay goobaha caafimaadka ee ku yaala magaaladaasi.
Dhanka kale waxaa jira dad nolol iyo geeri lagu la'yahay, ka dib markii la sheegay inay ku dumeen guryihii la deganaa.
Qaraxa ayaa saameeyay xaafadaha Xaawo Taako iyo Kooshin, waxaana jira tiro dhismayaal oo ay ku jiraan goobo ganacsi oo qaraxaasi uu sababay inay burburaan.
Burburka dhismayaasha ayaa laga baadigoobaya, bal haddii ay jiraan cid uun nolol kaga badbaaday qaraxaasi, sida uu sheegay Gudoomiyaha Degmada Beledweyne.
Dadka dhibaatada ugu daran ee ku dhacday waa qoys deganaa agagaarka kontoroolka uu qaraxu ka dhacay, kuwaa oo sida la sheegay noqday wax dhinta iyo wax kaloo dhaawac ah.
Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan, marka laga soo taggo in si dhow loola xiriirinayo maleeshiyada Al Shabaab.







