Wararkii ugu dambeeyay wareegga 2aad wada hadalada Iran iyo Mareykanka

Dadaalada diblomaasiyadeed ee lagu soo afjarayo dagaalka Mareykanka iyo Israel ee Iran ayaan weli la hubin, iyadoo ay maalin uun ka harsan tahay muddada xabad joojinta labada toddobaad ee 7-dii bishan ay dhinacyadu ku heshiiyeen.

Saraakiisha Pakistan ayaa sheegay in dalku uu diyaar u yahay inuu martigeliyo wareegga labaad ee wada hadalada Mareykanka iyo Iran, si loo helo heshiis horseedaya in la dhameeyo colaadda Bariga Dhexe.

Masuuliyiinta Iran ayaa weli ka caga jiidaya in ay diraan wafdiga uga qaybgelaya wada hadalada nabadda ee Islamabad, iyadoona Madaxweyne Donald Trump uu sii wado farriimihiisa hanjabaadaha ee ka dhanka ah Tehran.

Madaxweyne Trump ayaa ku celiyay in Mareykanku aanu qaadi doonin go'doominta uu ku hayo Dekedaha Iran, illaa Tehran ay ogolaato heshiis. Dowladda Iran ayaa ku adkeysaneysa inaanay wax wada hadal ah la geli doonin Mareykanka, inta ay socoto go'doominta Mareykanka ee dekedaha dalkaasi.

Madaxa Wada-xaajoodka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Iran, Mohammad Bagher Ghalibaf ayaa shaki geliyay in wareegga labaad ee wada hadalada ay kaga qaybgeli karaan Islamabad iyo in kale.

Waxa uu sheegay in Tehran aysan aqbali doonin gorgortanka ku hoos jira sida uu yiri hanjabaado, isagoona sheegay in qarankiisa aan la cabsi gelin karin.

Madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian ayaa isna waxa uu adkeeyay in wada hadalada ay ku sii socon karaan, marka Mareykanku uu fuliyo ballanqaadyadiisii hore ee wixii lagu heshiiyay.

"Sharafta ballanqaadyada waa saldhigga wada hadal macno leh." Ayuu yiri Madaxweyne Pezeshkian oo warkan ku sheegay qoraal uu Isniintii soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

"Kalsooni darro qotodheer oo taariikhi ah oo Iran ka haysato hab dhaqanka Dowladda Mareykanka ayaa weli ah, halka calaamadaha aan waxtarka lahayn iyo kuwa iska soo horjeeda ee farriinta ay wataan Saraakiisha Mareykanka. Waxay raadinayaan in Iran ay is dhiibto, Iraaniyiintuna xoog iskuma dhiibayaan." Ayuu yiri Pezeshkian.

Dhanka kale iyadoo Madaxweyne Trump uu Axaddii sheegay in wafdiga Mareykanka uga qaybgelaya wada hadalada aanu hoggaamin doonin Madaxweyne Kuxigeenka dalkaasi, haddana Aqalka Cad ayaa bedelay mowqifkoodii hore, waxaana lagu wadaa in JD Vance uu maanta u safro Islamabad.

Dowladda Pakistan ayaa isku dayeysa in ay Madaxda Iran ka dhaadhiciso in ay wafdigooda soo diraan, si wada hadaladu u sii socdaan, loona gaaro heshiiska aadka loogu baahan yahay ee baajinka kara dagaal kale oo dhex mara Tehran iyo Washington.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa dhiggiisa Pakistan u sheegay in Tehran ay weli miisaameyso tallaabada xigta.

Araghchi oo uu xiriir la soo sameeyay Raysal Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan, Mohammad Ishaq Dar ayaa u sheegay inay si taxadar leh u qiimeynayaan xaaladda is bedbedeleysa, ka hor inta aysan go'aansan tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan, taasoo muujineysa inaysan weli Tehran dhageysaneynin hanjabaadda Trump ee ku saabsan inay dagaalka dib u bilaabi doonaan, haddii aan heshiis la gaarin.

Xiisadda uu Trump kor u qaaday ayaa hakisay wareegga labaad ee wada hadalada Islamabad, iyadoo laga cabsi qabo farqiga u dhaxeeya dhinacyada inuu huriyo dagaal ballaaran.

Pakistan ayaa waxaa qiimo weyn u leh qabsoomidda wada hadalada iyo in horumar laga sameeyo, iyadoona ka shaqayn doonto inay xabad joojintu sii jirto, si loo helo waqti saamaxaya in lagu sii wado dadaalada diblomaasiyadda.