Wararkii ugu dambeeyay weerarka Israel ay ku qaadday dalka Iran

Israel ayaa aroornimadii hore ee saakay weerar xagga cirka ah ku qaadday dalka Iran, taasoo ay kaga jawaabeysay weerarkii tooska ahaa ee toddobaadkii hore ay Iran ku qaadday gudaha Israel.

Israel ayaa weerarka u adeegsatay diyaaradaha drones-ka ee is qarxiya, mana jirin wax khasaare ah oo weerarkaasi uu gaystay, illaa iyo hadda inta la ogyahay.

Wararka ayaa sheegaya inaanay Israel xaqiijin yoolkii bartilmaameedkeeda oo ahaa Magaalada Isfahan ee bartamaha dalkaasi iran.

Isfahan waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu muhiimsan ee Iran, waana mid ka mida xarumaha militariga ugu weyn ee dalkaasi, waxaana degan oo ka hawlgala shirkadaha sameeya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sida Ababil, Shahed 129 iyo Shahed 136.

Sidoo kale magaaladan waxaa ku yaala xarun lagu bacrimiyo nuclear-ka, waana difaaca mudnaanta 1aad u leh dowladda dalkaasi.

Taliska Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegay in Ciidamada Qalabka Sida ay ka hortaggeen illaa saddex diyaaradood oo drones ah oo weerarkaasi loo adeegsaday, isla-markaana ay gantaaladooda burburiyeen.

Taliska ayaa xaqiijiyay in diyaaradahaasi ay qaraxyo sameeyeen, ka gadaal markii ay dhulka ku soo dhaceen, balse aysan jirin cid wax ku noqotay.

Dowladda Iran ayaa dib u fasaxday duulimaadyadii gobolada dalka qaarkood, ka dib dhowr saacadood oo ay hakad ku jireen.

Inkastoo aysan Israel si buuxdo u sheegan masuuliyadda weerarka, haddana Washington Post ayaa Sarkaal Israeli ah ka soo xigatay in Ciidanka Cirka Israel ay weerar ka gaysteen dalka Iran.

Telefishinka Israel laga leeyahay ee Channel 12 ayaa baahiyay in Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ay ku wargelisay dhammaan safaaradahooda dibadda inaanan laga hadli karin weerarkaasi.

Tehran ayaa la sheegaya inaanay hadda diyaar u ahayn inay qaaddo weerar ay kaga jawaabeyso weerarkan ugu dambeeyay, haddii aysan jirin cid wax ku noqotay amaba burbur maaliyadeed oo ay gaysteen, inkastoo ay khubarada qaarkood sheegayaan in Tehran ay suurtagal tahay in ay ka falceliso weerarkaasi.

Xiisadda ka dhex taagan Iran iyo Israel ayaa si weyn looga dareemay gobolka iyo caalamkaba, iyadoo ay sii kordheyso baqdinta laga muujinayo in dagaal uu ka dhex qarxo labada dhinac.