Wararkii ugu dambeeyay xaaladda adag ee ka jirta Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza
Ugu yaraan 30 qof oo shacab ah ayaa maanta lagu dilay magaalada ugu weyn ee Marinka Gaza, iyadoo tobanaan kalena lagu dhaawacay, xilli Ciidamada Israel ay ku hayaan duqaymo aan kala joogsi lahayn.
Toddobaad ayaa lagu jooggaa, markii Israel ay ku dhawaaqday in uu bilowday hawlgalka ballaaran ee dhinaca dhulka ee lagu qabsanayo Magaalada Gaza ee waqooyiga Marinka Gaza.
Taliska Militariga Israel ayaa lagu eedeeyay in ay kordhinayaan weerarada xagga cirka ah ee ay ku garaacayaan magaalada, mar kasta oo ciidamadooda ay ku fashilmaan in ay si qoto dheer gudaha u soo galaan magaaladaasi.
Ciidamada Israel ayaa darafyada magaalada ku wajahaya iska caabin xoog badan, mar kasta oo sida la sheegay ay isku dayaan inay u soo dhaqaaqaan bartamaha magaalada.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Israel ay dhibaato ka haysato, sidii ay uga soo gudbi lahaayeen weerarada ay soo qaadayaan Xoogaga Xamaas iyo Islamic Jihaad ee doonaya in ay magaalada ka difaacaan cadowga.
Jahwareer badan ayaa ka taagan qaabka ay iska caabintu uga baxsaneyso duqaymaha baahsan ee lagu beegsanayo bugcad kasta oo lagu tuhunsan yahay.
Kolka Ciidanka Cirka Israel ay soo sheegaan inay dhameystireen burburinta kaabeyaasha iska caabinta, taliskuna uu ciidamada lugta u sheego inay dhaqaaqaan ayaa la sheegay inay la kulmayaan iska caabin, iyadoo aan la garaneyn halka ay ka imanayaan xoogaga iska caabinta.
Tani ayaa waxaa la sheegay inay ka carreysiineyso Saraakiisha Militariga, isla-markaana ay tahay sababta ay weerarada carro burburka ah ugu qaadayaan xaafadaha ay dadku gabaadsanayaan.
Xamaas ayaa waxay Israel ku eedeysay in si hadaf la'aan ah ay u garaaceyso xarumaha danta guud iyo guryaha la degan yahay, keliya ay si ay dilaan shacabka aan hubeysneyn, isla-markaana ay uga barakaciyaan guryahooda.
Taliska Militariga Israel ayaa weli soo saaraya awaamiirta Falastiiniyiinta degan xarunta ugu weyn ee Marinka Gaza loogu sheegayo in ay taggaan deegaanada koonfurta.
Taliska ayaa si joogta ah u soo saaraya farriimaha shacabka ku harsan magaalada ay ugu sheegayaan in ay ka cararaan aagga dagaalka.
Duqaymaha aan taxadarta lahayn ee Israel ayaa u muuqato mid lagu burburinayo dhisme walba oo taagan oo ku yaala Magaalada Gaza. Magaalada ayaa si xun ugu burbureyso duulaanka gaarka ahi ee lagu hayo, sida ay sheegeen Saraakiisha Qaramada Midoobey ee ka hawlgala Marinka Gaza.
Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in 550,000 oo qof, oo ah qiyaastii kala bar tirada dadka degan magaalada ay u barakaceen dhinaca koonfureed ee Marinka Gaza.
Israel oo duulaankii ugu weynaa ku hayso Magaalada Gaza ayaa bishii August bilowday duqaymo cirka ah, isla-markaana horudhac u ahaa gulufka dhulka ee la qorsheeyay in lagu qabsado magaaladaasi.
Tan iyo markii uu bilowday dagaalka Gaza, tirada dadka rayidka ah ee ku dhintay weerarada Ciidamada Israel ayaa lagu sheegay 65,344 qof, oo u badan haween iyo carruur.
Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa Isniintan xaqiijisay in 166,795 kalena ay ku dhaawacmeen weerarada cadowtinimada ah ee ay Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza.