Wararkii ugu dambeeyay xiisadda Bariga Dhexe
Ka dib dilkii Ismail Haniyeh ee Arbacadii loogu gaystay dalka Iran, xaaladda Bariga Dhexe ayaa tan iyo xilligaa ahayd mid aad u kacsan, iyadoo indhaha caalamkana ay ku sii jeedaan jawaabta la filayo in ay Iran ka bixin doonto.
Wararka ayaa sheegaya in Israel ay heegan gelisay dhammaanba ciidamadeeda, lana kordhiyay saacadaha shaqada ee ciidamada iyo weliba kooxaha gurmadka degdegga.
Xafiiska Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa mar sii horreysay sheegay in Israel ay u diyaargarowday maalmo adag oo soo socda.
Wadamada reer galbeedka ayaa muwaadiniintooda kala baxaya dalalka Lubnaan, Iran iyo Israel, waxaana xusid mudan in inta badan diyaaradaha rakaabka ee reer galbeedka ay hakiyeen duulimaadyadii ay ku tagi jireen Israel, sababo dhinaca ammaanka ah.
Dadaaladii diblomaasiyadeed ee ay horkacayeen Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa u muuqdo kuwo aan miro-dhalin, ka gadaal markii ay Iran ku adkeysatay in ay waajib tahay inay ka aargutaan Israel.
Taliska Ilaalada Kacaanka Iran ayaa Sabtidii shalay soo saaray natiijada baaritaanka ee qaabkii loo dilay Ismail Haniyeh, Hoggaamiyihii Ururka Xamaas.
Taliska ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in Ismail Haniyeh lagu dilay gantaal nooca ridada gaaban ah, kaas oo laga soo tuuray bannaanka hoygii uu marxuumku ka deganaa Magaalada Tehran.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in gantaalka uu ka koobnaa walxa qarxa oo culeyskoodu gaarayo 7kg, kaas oo laga soo tuuray meel ka baxsan hoyga martida.
Taliska Ilaalada Kacaanka Iran ayaa ku hanjabay in Israel ay la kulmi doonto ciqaab adag, waqtiga ku habboon.
Madaxweyne Kuxigeenka 1aad ee Iran, Mohammadreza Aref ayaa sheegay in Iran ay ka go'an tahay in ay si buuxda u garab istaagto buu yiri shacabka Falastiiniyiinta ee dulman, isla-markaana ay gacan ka gaysato xoreynta Magaalada Qudus ee ay Israel xoogga ku haysato.
Madaxweyne Kuxigeenka ayaa dunida Muslimka ugu baaqay in ay xaqiijiyaan in hafafkooda koowaad uu noqdo qaddiyadda qaranimada Falastiiniyiinta iyo xoreynta Qudus.
Warbaahinta caalamiga ah oo soo xiganeysa ilo sirdoon ayaa tebineysa in aysan Iran ka waaban doonin inay maalmaha soo socdo weerarto Israel, walow aan la aqoon nooca uu aargoosigeedu noqon doono.
Warbaahinta ayaa sheegeysa in Ururada Xisbullah (Lubnaan) iyo Xuuthiyiinta (Yemen) ay ka qayb qaadan doonaan jawaabta ay Iran kaga aargudan doonto fara-gelinta lagu soo sameeyay dalkeeda iyo dilkii Hoggaamiyihii Xamaas loogu gaystay Caasimadda Tehran.
Dhanka kale maraakiibta Mareykanka ee xambaara diyaaradaha dagaalka ayaa ku soo wajahan gobolka, si Israel loogu gacan siiyo in ay iska difaacdo weerarka kaga iman kara Iran.
Pentagon-ka Mareykanka ayaa sheegay in Washington ay xoojin doonto difaaceeda gobolka, ka dib hanjaabadaha Iran iyo xulafadeeda gobolka, sida Xisbullah, Xamaas iyo Xuuthiyiinta.
Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin ayaa saxiixay in maraakiib dheeraad ah, oo ay ku jiraan kuwa wax burburiya loo diro gobolka, kuwaas oo soo ridi kara gantaalaha ballaastikada, kuwa cruise-ka iyo weliba diyaaradaha drones-ka.
Inkastoo Aqalka Cad ee Mareykanka uu walaac ka muujiyay dilkii Ismail Haniyeh iyo xiisadda sii kordheysa ee gobolka ka jirta, haddana Washington ayaa waxaa ka go'an inay difaacdo Israel.
Israel ayaa waxaa loo tixgeliyaa saaxiibka ugu weyn ee Mareykanka uu ku leeyahay Bariga Dhexe, inkastoo Tel Aviv ay lumisay taageerada shacabka Mareykanka, sababtu tahay dembiyada ay ka gaysaneyso Marinka Gaza.
10 bilood oo Israel ay duqaymo aan kala sooc lahayn ka waddo Marinka Gaza ayaa galaaftay nolosha ku dhawaad 40 kun oo dad rayid ah iyo dhaawaca ku dhawaad 100 kun oo kale.
Dagaalkan ayaa gobolka iyo dunidaba ka abuuray carro xoog leh, iyadoona ay bulshada caalamka diidan tahay qaabka ay Israel u waddo dagaalkeedan, oo gebi ahaanba baalmarsan xeerarka caalamiga ah ee bani'aadantinimada iyo kan dagaalka.
Hadda ayaa waxaa xaaladda uga sii daray dilkan siyaasadeed ee Israel lagu eedeynayo inay u gaysatay Madaxii Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas, Ismail Haniyeh.
Falcelin kasta oo Mareykanka iyo Israel ay ka bixiyaan jawaabta Iran ayaa soo dedejin karta isku dhac ballaaran oo gobolka oo dhan ah.
Xeel-dheereyaasha qaarkood ayaa ku andacoonaya in Ruushka iyo Shiinaha aysan faarujin doonin garabka xulafadooda Tehran, haddii uu dagaal toos ah dhex maro Iran iyo Israel, oo taageero ka helaysa xulafadeeda reer galbeedka, tanina ay mugdi badan gelin doonto mustaqbalka gobolka.
Si kastaba ha-ahaatee cabsida sii kordheysa ee haatan la muujinayo ayaa ah in jawaabta Iran ee ka dhanka ah Israel ay noqoto mid aan xadidneyn.