Wareegga 2aad wada hadalada Mareykanka iyo Iran oo mad madow uu ka jiro

Iyadoo Isniinta ama Talaadada lagu wado in labada dal ay wareeg labaad oo wada hadalo ah ku yeeshaan Magaalada Islamabad ayaa waxaa shaki laga muujinaya suurtagalnimada in wada hadaladaasi ay qabsoomaan.

Dowladda Pakistan oo dadaal badani illaa iyo hadda ku bixineyso, sidii ay dhinacyadu ugu kulmi lahaayeen caasimadda dalkaasi ayaa waxa uu culeyska ugu weyn ka imanaya dhinaca Iran.

Wakaaladda Wararka Tasnim oo lala xiriiriyo Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa ku warantay in Tehran aysan wax wafdi ah u diri doonin Islamabad, inta ay sii socoto go'doominta Mareykanka uu ku hayo Dekedaha Iran. Taliska Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa Sabtidii sheegay in go’doominta joogtada ah ee Mareykanka ay jebineyso shuruudaha xabad joojintii labada toddobaad ee lagu heshiiyay 7-dii bishan.

Madaxweyne Donald Trump oo dhankiisa sheegay in wafdiga Mareykanka ay tagi doonaan dalkaasi Pakistan ayaa sheegay in aanu wafdigooda hoggaamin doono Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka, JD Vance.

Trump ayaa dhanka kale waxa uu Iran ku eedeeyay in ay sameysay xadgudub halis ku ah xabad joojinta, ka dib markii uu sheegay in ciidamadeeda ay maraakiib ganacsi ku rasaaseeyeen Marinka Hormuz.

Saraakiisha Pakistan oo ka soo shaqeeyay xabad joojinta hadda ka jirta Bariga Dhexe ayaa doonaya in la gaaro heshiis lagu soo afjarayo xiisadda labada dal, ka hor inta aysan dhamaan muddada ka harsan waqtiga xabad joojinta oo ku eg Arbacada soo socota amaba in la helo wadiiqo kale oo lagu kordhinayo muddada xabad joojinta, iyadoo la sii wadaayo wada hadalada.

Xitaa haddii ay dhinacyadu isku waafaqaan in laga qaybgalo wada hadalada soo socda ayaa waxaa weli carqaladayn kara farqiga u dhaxeeya Tehran iyo Washington, si heshiis loo gaaro.

Inkasta oo labada dalba ay daneynayaan heshiis keeni kara in la dhameeyo colaadda Bariga Dhexe, haddana shuruudaha ay ku gorgortamayaan ayaa ka fogeynaya heshiiska.

Haddii ay mar kale guuldareystaan wada hadalada Islamabad ayaa sii xoojinaya walaaca laga qabo in dagaal kale uu ku dhex maro gobolka, marka ay xabad joojintu dhamaato maalinta Arbacada.

Pakistan waxay ka carareysaa in dadaaladeeda ay noqdaan kuwo bilaa natiijo ah, waxayna isku dayi doontaa in ugu yaraan ay ka soo qaybgelaan wada hadalada. Ujeedadu ma ahan oo keliya in la isku dayo in la kordhiyo xabad joojinta, balse sidoo kale in la dejiyo nooc ka mid ah heshiis qaabeysan oo u dhaxeeya Mareykanka iyo Iran, si loo sii wado wada hadaladan.