Warshadda shidaalka Sacuudiga ee Jizan oo dab uu ka kacay

Dab ayaa waaberigii hore ee saaka ka kacay warshadda shidaalka sifeysa ee Boqortooyada Sacuudiga ee ku taala Magaalada Jizan ee saaran xeebaha Badda Cas.
Wasaaradda Tamarta Sacuudiga ayaa sheegtay in la demiyay dab ka kacay mid ka mid ah xarumaha shidaalka lagu sifeeyo ee Shirkadda Aramco ay ku leedahay magaalada dekedda leh ee Jizan (Jazan) ee Koonfur Galbeed Sacuudiga.
Wasaaradda ayaa war qoraal ah ku sheegtay in dabku uu ka kacay xarun ka tirsan warshadda sifaynta shidaalka ee Aramco ee magaaladaasi, isla-markaana lagu guuleystay in la xakameeyo.
Wasaaradda ayaa sheegtay inaysan jirin cid wax ku noqotay dhacdada, wax sharaxaad ahna kama bixin, haddii uu weerar dhacay, balse waxay sheegtay in la baarayo sababta keentay dabka.
Waxaa jira shaki ku aaddan in Xuutiyiinta Yemen ay garaaceen xaruntaasi, lana sugaayo inay ka hadlaan.
Xuutiyiinta Yemen ayaa 25-kii bishii July gubay warshadda saliidda Jizan, wuxuuna Afhayeenka Xuutiyiinta, General Yahya Saree uu xilligaasi sheegay in weerarka loo adeegsado gantaalada ballaastikada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
General Saree ayaa sheegay in weerarkaasi lagaga jawaabayay duqaymo uu isbahaysiga uu Sacuudiga hoggaamiyo ay 24-kii bishaasi ka gaysteen Dekedda Hodeidah iyo Jasiiradda Kamaran ee Galbeedka Yemen.


