Wasiir Araghchi oo sheegay in Mareykanka uu jebiyay xabad joojinta

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa Mareykanka ku eedeeyay in uu jebiyay heshiiskii xabad joojinta ee labada dal.
"Mareykanka ayaa jebiyay shuruudihii xabad joojinta ee uu la galay Iran, ka dib markii uu bilaabay go’doomin dhinaca badda ah oo lagu sameeyay Dekedaha Iran." Ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirka ayaa fal dagaal ku tilmaamay xanibaadda Mareykanka ee dekedaha dalkaasi iyo ficilada daba socda ee ciidamadiisu ku beegsanayaan maraakiibta ganacsiga, kuwaas oo noqonaya ku dhawaaqid dagaal.
"Iran waxa ay taqaanaa sida looga takhaluso xanibaadaha, sida ay u difaacato danaheeda iyo sida ay uga hortagto caga jugleynta." Ayuu yiri Araghchi oo qoraal soo dhigay bartiisa barraha bulshada.
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa goor sii horreysay oo maanta ah Iran ku eedeeyay inay marar badan ku xadgudubtay xabad joojinta, isaga oo aan wax tafaasiil ah ka bixin.
Dhanka kale Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmaeil Baghaei ayaa sheegay in uusan jirin go'aan rasmi ah oo wafdiga dalkaasi ay uga qaybgeli karaan wareegga labaad ee wada hadaladii ay iyaga iyo Mareykanka ku yeelan lahaayeen Magaalada Islamabad.
Afhayeenka oo la hadlay Telefishinka Qaranka ayaa sheegay in Tehran aysan illaa iyo hadda wax qorshe ah ka lahayn in ay aaddo Islamabad, isagoona sababta ku sheegay farriimaha iska soo horjeeda iyo ficilada aan la aqbali kari ee dhinaca Mareykanka.
Trump ayaa Arbacadan sheegay in Iran aysan lahayn wax ikhtiyaar ah, sidaasi daraadeedna ay tahay in ay ogolaato heshiis, haddii kalena uu Mareykanku dib u bilaabi doono dagaalka, haddaanan heshiis la gaarin.
Trump uma muuqdo mid taxadar iyo dulqaad muujinaya, Iraaniyiintuna ma dhageysanayaan hanjabaadihiisa, taasna waxay sii adkayn kartaa xiisadda ka jirta Marinka Hormuz.


