Wasiirada Israel oo u codeeyay in la ballaariyo hawlgalka militari ee Gaza

Golaha Wasiirada Amniga ee Israel ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay in la ballaariyo hawlgalka ay Militariga Israel ka wadaan Marinka Gaza.
Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu uu xalay shir guddoomiyay shir looga hadlayay soo jeedin ku saabsan in la ballaariyo hawlgalka Gaza.
Shirkan ayaa lagu waday in uu qabsoomo duhurnimadii shalay, waxaase uu u baaqday xiisadda gudaha ee ka dhalatay gantaalkii ay Xuuthiyiinta Yemen ku weerareen Garoonka Diyaaradaha Ben Gurion ee duleedka Magaalada Tel Aviv.
Warbaahinta Cibriga ayaa ku warantay in go'aanka Golaha Wasiirada ee lagu ballaarinayo hawlgalka Gaza la dhaqangelin doono toddobaadka soo socda, ka dib booqashada Madaxweyne Donald Trump ee Bariga Dhexe.
Fallanqeeyeyaasha ayaa isweydiinaya, waxa Israel u harsan oo hadda ka dib ay ka gaysan karto Marinka Gaza, maadaama ay ku lug leedahay nooc kasta oo dembi dagaal oo ka dhan ah bani'aadantinimada.
Ciidanka Cirka Israel iyo kuwa madaafiicda goobta ayaa dhulka la simay in ka badan boqolkiiba shan iyo sideetan (85%) ee dhismihii Gaza, waxayna si aan kala sooc lahayn ay u beegsanayaan oo u dilayaan dadka rayidka ah, xilli ay is hortaag ku hayaan kaalmada bani'aadantinimo.
Shacabka aan waxba galabsan ayaa gudaha Gaza ugu dhimanaya weerarada Israel, dawo iyo raashiin la'aan, oo ay u dheer tahay biyaha nadiifta oo aan laga heli karin gudaha Gaza.
Israel ayaa horey u burburisay warshadihii biyaha sifeynayay ee Gaza, waxay kaloo diidan tahay in hay'aduhu ay biyo nadiif ah geeyaan dhulka go'doonsan.
Qaramada Midoobey iyo Hay'adaha Xuquuqul Insaanka ayaa Israel ku eedeeyay in ay isir sifeyn ka waddo Marinka Gaza, isla-markaana uu dagaalkeedu ka baxsan yahay burburinta Xamaas.
Israel ayaa qorsheynaysa in ay uga sii darto masiibada bani'aadantinimo ee Gaza, iyadoo Mareykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska ay ka shaqeynayaan in kolonyada gargaarka ee Qaramada Midoobey ee ku xaniban xuduudaha Gaza ay galaan dhulkaaasi.