Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo ku sugan Islamabad, iyadoo wafdiga Mareykanka ay ku wajahan yihiin
Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa booqasho ku jooga Magaalada Islamabad, tani oo qayb ka ah socdaal uu ku marayo Moscow iyo Muscat.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa sheegtay in Wasiirku uu xalay gaaray Islamabad, isla-markaana uu kula kulmi doono Saraakiisha Pakistan, mana sheegin wax kulan ah oo uu la yeelanayo wafdiga Mareykanka ee ku soo wajahan magaaladaasi.
Aqalka Cad ayaa sheegay in Ergayga Mareykanka ee Bariga Dhexe, Steve Witkoff iyo Jared Kushner oo ah wiilka uu soddoga u yahay Madaxweyne Donald Trump ay ku wajahan yihiin Islamabad, si ay Sabtidan wada hadal ula yeeshaan wafdiga Iran.
Aqalka Cad ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweyne Kuxigeenka JD Vance uu diyaar u yahay in uu ku biiro wada hadalada ay filayaan inay ka dhacaan dalkaasi Pakistan.
Madaxweyne Trump ayaa Jimcihii sheegay in Iran ay soo jeedineyso dalab, ayna tahay inay arkaan.
Hase yeeshee Saraakiisha Iran ayaa laga soo xigtay in aanu Wasiir Araghchi qorshaha ugu jirin kulan toos ah oo dhex mara Mareykanka iyo Iran.
Isniintii iyo Talaadadii ayaa waxaan qabsoomin wareegga 2aad ee wada hadalada Iran iyo Mareykanka oo la sii qorsheeyay inay ka qabsoomaan Islamabad, balse fashilmay, ka dib markii Madaxweyne Trump uu ka horyimid dalabkii Iran ee ay shuruudda uga dhigtay ka qaybgalka wada hadaladaasi, oo ahaa in Mareykanka uu qaado xayiraadda uu ku hayo dekedaha dalkaasi.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa sheegtay in Araghchi uu Islamabad uga sii gudbi doono Muscat, socdaalkiisana uu ku soo geba-gabayn doono Moscow.




