Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo Mareykanka ku eedeeyay fashilka wada hadalada

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Abbas Araghchi ayaa Mareykanka ku eedeeyay in uu ka masuul yahay horumar la'aanta muuqata ee ka jirta wada hadalada labada dal ee lagu soo afjarayo dagaalka Bariga Dhexe.
Wasiirka oo booqasho ku jooga dalkaasi Ruushka oo uu kulan kula leeyahay Madaxweyne Vladimir Putin ayaa sheegay in dalabaadka xad dhaafka ah ee Mareykanka uu sababay natiijo la’aanta wareegga koowaad ee wada hadaladii ay 11-12-kii bishan ku yeesheen Magaalada Islamabad.
"Hababka Mareykanka ayaa sababay in lagu kala tago wareeggii hore ee wada-xaajoodka, inkastoo horumar laga sameeyay haddana waxaa lagu guuldareystay inuu gaaro yoolkiisa, sababtoo ah dalabaadka xad dhaafka ah ee Mareykanka." Ayuu yiri Araghchi.
Araghchi ayaa muujiyay in Tehran ay diyaar u tahay heshiis wax ku ool ah oo ay la gaarto Washington, waxaase uu ku celiyay in dalkiisa aan xoog lagu marsiin karin, wax aanu dooneyn.
Warka Araghchi ayaa imanaya, ka dib markii Madaxweyne Donald Trump uu Axaddii soo cusbooneysiiyay farriintiisii ahayd in Iraaniyiinta ay tahay inay heshiis aqbalaan.


